Madaxweynaha Dawlada Puntland oo Muqdisho ku wajahan

Madaxweyne Gaas oo Muqdisho ku wajahan


Waxaa Muqdisho isugu imanaya Madaxda Madasha Qaran kuwasoo kulan aan horay loo shaacin yeelan doona.

Madaxweynaha Dowlada Puntland C/wali Maxamed cali gaas iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Muqdisho u duuli doona labada maalin ee soo socda

Madaxwaynaha soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada ee xubnaha ka ah Madasha Qaranka ayaa shir uga furmi doonaa magaalada  Muqdisho bishan septembar todobadeeda waxaana laga wada hadlayaa siday macmuul u noqon karto in Doorashadu ku dhacdo wakhtiga loo qabtey oo ahaa ugu dambeyn bisha Oktoobar.
shirkan ayaa waxaa go'aan kama danbays ah laga qaadan doonaa arimo muhiim  ah oo horyaal madasha qaranka soomaaliya sida dhismaha aqalka sare iyo tirada ergada ee soo xulaysa xildhibaanada barlamanka fedraalka soomaaliya ee la soo dhisi doono 

Shabakada Baargaal.net
isha wararka horumarka calbari 
email: Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain