Qarax Ciidanka Puntland lagu la eegtay gobolka Bari




Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in ciidanka dowlada Puntland Qarax lagu la eegtay deegaanka Bali Qadar oo ku yaala duleedka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Qarax ayaa la sheegaya in ay ku dhinteen askar ka tirsan ciidanka Puntland , waxaana sidoo kale lagu soo waramaya in uu jiro dhaawac ka dhashay Qaraxa.

Goobjoogayaal ku sugan Deegaanka Bali Qadar ayaa warbaahinta u sheegay in Kolonyo ka tirsan ciidanka Puntland la la eegtay Miino lagu aasay wadada geeskeeda.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay .

Developed by Jago Desain