XOG :- Maxamud axmad caynab (gubsul) oo loo magacaabayo gudoomiyaha gobolka Gardafuu




Wararka laga helayo magaalada madaxda puntland ee garowe ayaa sheegay in lagu wado in maalmaha soo socda loo magacaabayo xilka gudoomiyaha gobolka Gardafuu Ganacsade Maxamud axmad caynab (gubsul) oo kamid ah waxgardka Gobolka gardafuu.

Maxamud axmad caynab (gubsul) ayaa waxaa uu badalayaa gudoomiyahii xilka iska casilay ee c/qaadir Maxamed Yuusuf iidi.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Mr Gubsul loo gacan geliyay waraaqdiisa magacaabista, hase ahaatee aan wali la shaacin, waxaana arrintan xalay aad loogahadal hayay deegaanada gobolka gardafuu iyadoo bulshada ku dhaqan gobolkaas ay aad ugs sheekeysanayeen wararka ku saabsan magacaabista aan wali la shaacin.

Maamulka gobolka Gardafuu ayaa ah mid dhibaatooyin badan ay hor taaganyihiin iyadoo laga sugayo maamulka cusub siday dadaal wayn u gali lahayeen sidii loo dhisi lahaa kaabayaasha dhaqaalaha gobolka loona gaarsiin lahaa adeegyada dawlada gobolkaas loona suurtagalin laha sidii ay wasaaradahu dhamaan gobolka uga haw gali lahayeen.

BAARGAAL.NET Isha wararka horumarka calbari

Developed by Jago Desain