October 20, 2016

Codayntii aqalka sare Puntland oo lasoo gaba gabeeyey Akhri 11-ka xubnood

waxaa hadda lasoo gab gabeeyey codaynta xubnaha aqalka sare Puntland uga mid noqonaya dowladda cusub , xubno 25 gaaraya ayuu baarlamaanka Puntland saaka 8:oo aroor nimo u fariistay sidii loo kala saari lahaa iyagoo laga soo saaray 11 xubnood.

Kursigii ugu dambeeyey ee 11-aad waxaa ku tartamayey Saynab Xaashi Biixi, Shukri Aadan Maxamed, Xaawo Caynab Cabdi, waxaana isagu soo haray Saynab Xaashi Biixi iyo Shukri Aadan Maxamed , waxayna codadka ukala heleen Saynab Xaashi Biixi 24, waxay Shukrin heshay 38 cod.

Markay dhamaatay tirinta codadka baarlamaanka waxaa ku dhawaaqay cida guulaysatay guddiga baarlamaanka oo iyagu sheegay in Shukri Aadan Maxamed ay ku guulaysatay kursiga 11-aad ee aqalka sare Puntland.

11-ka xubnood ee Puntland ee Baarlamaanka Puntland ugu codeeyeen aqalka sare waxay kala yihiin:

1 Cumar Cabdirashiid Cali Shar’make

2 Cabdiraxmaan Maxamed Maxmuud (Farole)

3 Cabdirisaaq Xasan Cismaan (Jurile)

4:Farxaan Cali Xaad

5:Cabdisalaan Xaaji Maxamuud (Dheere)

6:Hodan Barre Samatar

7:Bootaan Barre Samatar

8:Maxamuud Axmed Maxamuud

9:Mahad Bashiir Shiikh Nuur

10:Siciido Xasan Cismaan

11: Shukri Aadan Maxamed


Maanta waxaa goob joog ka ahaa doorashada maadaxweynaha Puntland , qaar kamid ah wasiiradda , Guddiga doorashada dadban heer Puntland, Isimada, iyo Haween.

11kii xubnood ee Puntland umatali lahaa aqalka sare ee dowladda laso dhisayo ayaa sidaas kusoo dhamaaday , waxaana wxii hadda ka dambeeya aqalka sare Puntland u gud binaysa Guddiga doorashada .

SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Calbari 
NEXT ARTICLE Next Post
PREVIOUS ARTICLE Previous Post
NEXT ARTICLE Next Post
PREVIOUS ARTICLE Previous Post
 

Delivered by FeedBurner