Daawo: Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Gardafuu oo ka warbixiyay Gaari Cusub oo ay u gadeen Gobolka iyo shilkii gaarigiisii hore

Daawo: Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Gardafuu oo ka warbixiyay Gaari Cusub oo ay u gadeen Gobolka iyo shilkii gaarigiisii hore
Gudoomiyaha Cusub ee dhawaan loo magacaabay Gobolka Gardafuu Mudane Maxamuud axmed Caynab ( Gubsul ) ayaa markii ugu horaysay waxaa uu ka warbixiyay gaari cusub oo ay u iibiyeen Gobolka gardafuu si loogu shaqeeyo Gobolka iyo sidoo kale shil gaari oo 7dii bishan october isaga iyo wiil uu dhalay iyo rakaab kale ay ku galeen duleedka magalada Qardho .

Gudoomiyaha Gobolka Gardafuu ayaa marka hore wuxuu shilkaas uga tacsiyeeyay dhamaan bulshada ku dhaqan Gobolka Gardafuu ee masuulka uu u yahay , sidoo kale wuxuu u tacsiyeeyay dhamaan eheladi iyo qaraabadii uu ka baxay Ninkii saaxiibkiis ahaa ee Ku geeriyooday shilkaas

Gudoomiyaha Gobolka Gardafuu ayaa intaasi kadib ka warbixiyay gaari cusub oo ah nooca 3L oo ay ku guulaysteen inay u iibiyaan Gobolka Gardafuu sidii loogu shaqayn lahaa baahiyaha iyo hawlaha ka taagan gobolka arintaas oo ah mid muhiim u ah shaqada iyo horumarka gobolka

Sidoo kale Gudoomiyaha Cusub ayaa sheegay inuu howsha halkeedii uu ka sii wadi doono,isagoo ka codsaday bulshada ku dhaqan Gobolka iyo masuuliyiinta Degmooyinka gobolka in ay kala shaqeeyaan horumarka Gobolka

Wuxuu intaas ku daray in xilkaan uu yahay mid adag isla markaana kusoo beegmay waqti aad u adag,wuxuuna xusey inuu rajeynaayo in uu wax badan uu u qabto bulshada gobolka .


Halkan Ka daawo Muuqaal qayb kamid ah warbixinta Gudoomiyaha Gobolka



SHABAKADA BAARGAAL.NET
ISha wararka Horumarka Calbari
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain