DEG DEG: Dagaal Culus oo Goordhaw dib uga Qarxay Magaalada Galkacyo iyo Rasaas Xoogan oo la Maqlaayo

DEG DEG: Dhageyso Dagaal Culus oo Goordhaw dib uga Qarxay Magaalada Galkacyo iyo Rasaas Xoogan oo la Maqlaayo
Wararka aanu hada ka heleyno Magaalada Galkacyo ayaa Waxa ay sheegayan in Galabta Gabal dhicii uu dagaal culus ka qarxay Galbeedka Magaalada Galkacyo.

Dagaalka ayaa Marba marka ka dambeysa sii xoogeysanaya Waxaana La maqlaaya Rasaas xoogan oo ka socota Galbeedka Magaalada oo Labada Ciidan ay isku Horfadhiyaan.

lama oga waxa sababay Dagaal iyadoo 
Goob joogayaal ay sheegeen in Daryanka Rasaas xoogan ay Maqlayaan iyagoona ka baqdin qaba in dagaalka uu waxyeelo ka soo gaadho.

Dagaalka wuxuu socda Mudo ku dhaw Halsaac waxaana La ogeyn qasaaraha ka dhashay iyo Dagaalka Cida asal ahaan Bilowday.

Waxgaradka Labada dhinac ayaa lagu waday in maanta ay kala qaadan Labada Ciidan Balse taasi Fashil ayaa ku yimid waxaana dib u Bilowday Dagaalkii Labada dhinac u dhaxeeyay 

SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Calbari
Baargaal@gmail.com

Developed by Jago Desain