DHEGEYSO-Gudoomiyaha Gobolka Gardafuu Oo Ka hadlay Shaqooyinka Horyaal

DHEGEYSO-Gudoomiyaha Gobolka Gardafuu Oo Ka hadlay Shaqooyinka Horyaal
Gudoomiyaha gobolka Gardafuu Maxamuud Axmed Caynab, oo uu dhowaan xilkaasi u magacaabay madaxweynaha dowladda Puntland oo waraysi siinayey Radio Daljir ayaa waxa uu kahadlay shaqooyinka horyaal ee uu rajaynayo inuu ku dhaqaaqo.

Gudoomiyaha Gobolka Gardafuu ayaa marka hore sheegay inuu xooga saari doono amniga gobolka asagoo ka warbixiyay xaalada amni ee gobolka  asagoo ku tilmaamay in degaanada gobolka laysku halayn karo xaga amniga iyo sidoo kale saamaynta dhaqdhaqaaqyada ka socda degmada qandala

gudoomiyaha gobolka Gardafuu ayaa sidoo kale ka warbixiyay xaalada waxbarashada ee gobolka ka jirta iyo sido kale caafimaadka asagoo sheegay inay shaqeeyaan cisbitaalada Degmooyinka Baargaal iyo Caluula , iyo xarumaha hooyada iyo dhalaanka oo meelaha qaar ka shaqeeya 


laakin wuxuu gudoomiyuhu tilmaamay in aan wali gobolku lahayn adeeg caafimaad oo dhamaystiran wuxuuna yiri waxaa  wali taagan xaaladii ahayd in  gabadha ku foolanaysa  degmooyinka gobolka in loola soo cararo xarunta gobolka bari ee boosaaso , oo gaari ama laash lagu qaado dhinaca bada marar badan ay hooyadii jidka ku dhimato , si taa looga baxo inuu maamulkiisu xooga saari doono si lo helo caafimaad dhamaystiran iyo xaruma caafimaad oo gobolka ku yaal oo qaliin ku samayn kara hooyada foolanaysa 

ugu danbaytii waxaa gudoomiyaha la waydiiyay in masuuliyiinta marka hore ballan qaadyo badan sameeyaan , kadibna waxna qaban waxa asaga lagu aamini karo inuu ka dhabaynayo ballanqaadyadan iyo qaabka uu u wajihi doono 


Gudoomiye maxamuud axmed caynab ayaa su'aashaas uga jawaabay inuu taas kala mid yahay masuuliyiinta xilka loo dhiibo oo inta badan daacad ay ka tahay  oo ay ka go'antahay inay degaankooda iyo dadkooda wax u qabtaan laakin ay ku xirantahay siday bulshadu gacan u siiso iyadoo laga rabo bulshada laba arin oo ah inay cashuuraha bixiyaan lana xisaabtamaan maamulka oo ah u adeegaha bulshada ku dhaqan degaankaas 

Gudoomiayaha ayaa intaasi ku daray inuu asagu yahay nin ilaa yaraantiisii ganacsade ka ahaa oo ku soo dhexjiray bulshada gobolka oo garanaya tuulo kasta iyo baahi kasta maxaa yeelay aniga ayaa la qaba oo shaqadaydii iyo noloshaydii ayaa ku xiran  

Gudoomiye Maxamuud Axmed Caynab, ayaa ugu baaqay shacabka kunool gobolka Gardafuu inay lashaqeeyaan, ka maamul ahaana ay diyaar u yihiin sidii ay u dhegaysan lahaayeen codka dadka shacabka ah ee ay matalayaan.

HALKAN KA DHAGAYSO WARAYSIGA



Developed by Jago Desain