Markab Ay Leedahay Dowladda Imaaraadka Carabta oo Lagu Weeraray Badda Cas!

Markab Ay Leedahay Dowladda Imaaraadka Carabta oo Lagu Weeraray Badda Cas!



Xoogaga Shiicada Xuutiyiinta Yemen iyo isbaheysiga carbeed ee dagaalka kula jira oo uu horkacayo Sacuudiga ayaa dagaalkii u dhexeeyey ee cirka iyo dhulka ku koobnaa haatan waxaa ku soo darmay dhinaca badda.

Isbaheysiga Sacuudiga ee dagaalka kula jira xuusiyinta Yemen ayaa sheegay inay bilaabeen duulaan ka dhan ah doonyo ay leeyihiin fallaagada Xuutiyiinta, kuwaasoo weeraray markab laga leeyahay Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo marayey gacanka cadmeed ama badda Cas.

Falaagada Xuutiyiinta ayaa sheegay in markabka uu ahaa mid ciidan, ayna ku burburiyeen gantaal ay kaga soo rideen meel u dhaw dekadda badda cas ku taalla ee Mokha.

Hase ahaatee xulafada Sacuudigu hogaaminayo ayaa sheegtay in markabka uu ahaa mid gargaar bani’aadan-nimo siday.

Dowlada Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa qeyb ka ah xulafada dagaalka kula jirta falaagada Xuutiyiinta isla markaana caawinaysa xukuumadda Yemen ayaa markab dagaal u dirtay gacanka cadmeed kaasoo la dagaalamaya doonyo ay la socdaan xuutiyiinta doonyaha wata.

Kooxda shiicada Xuutiyiinta oo lagu eedeeyo in ay gacan ka helaan Iran, ayaa dhul ballaaran oo ka tirsan Yemen qabsaday sanadkii lasoo dhaafay inkastoo dhulkaas balaaran qeybo badan oo ka mid ah laga saaray

SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka horumarka calbari
Developed by Jago Desain