Sawiro : Dufcadii 2-aad ee Baratay Cunto karinta oo ka qalin jabisay Machadka khadro Cooking Center ee Magaalada Baargaal

Sawiro : Dufcadii 2-aad ee Baratay Cunto karinta oo ka qalin jabisay Machadka khadro Cooking Center ee Magaalada Baargaal

Xarunta cunto karinta (Khadro Cooking Center) ee magaalada Baargaal ee Gobolka Gardafuu ayaa waxaa galabta ka qalin jabiyey dufcadii 2 -aad oo dhan 18 arday, kuwaasi oo dhammaantood ahaa gabdho, isla markaana bartay sida loo sameeyo cuntooyinka.

Xafladda qalin jabinta oo ka dhacday Xarunta Dugsiga Daar aw cumar ee magaalada Baargaal ayaa waxaa ka soo qeyb galay Maamulka Degmada , ganacsato, culimo’udiin, arday, aqoonyahano, xubno ka tirsan golaha deegaanka degmada Baargaal, siyaasiyiin, dhalinyaro, haween, nabadoono iyo marti sharaf kale oo aad u badan iyo ardayda wax ka barata Xarunta cunta karinta ee khadro cooking center.

Ugu horayn waxaa ka hadashay xaflada oo soo dhawaysay marti sharafta ka soo qayb gashay munaasibada marwo Khadro siciid cismaan oo xaruntan aasastay ayadoo sheegaty inay aad ugu faraxsantahay inay maanta ka qalin jabinaayaan xaruntan Dufcadii Labaad waxayna marti sharaftii ka soo qayb gashay u cadaysay inay barashada cunta karintu tahay arin muhiim ah si loo helo bay tiri cunto nafaqo leh, oo isla markaana macaan ayadoo sheegtay inay Dadaal ugu jirto sidey u soo saari laheyd dumar Kale oo bartay Cunta Karinta Wanaagsan.

Yuusuf Maxamed Xirsi oo ah Gudoomiye ku xigeenka degmada Baargaal oo isna ka hadlay madasha ayaa sheegay in ay soo dhawaynaayaan xaruntan barashada cunta karinta asagoo sheegay in talaabadan ay tahay mid loo baahnaa taasi oo qeybaha kale duwan ee gabdhaha Wax weyn ka baran karaan Karinta cuntada qeybaheeda kale Duwan loona baahan yahay in la garab istaago.

Qaar ka mid ah waxgardkii ka soo qaybgalay xaflada ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin carruurtooda oo bartay cunto karinta, waxa kale ay soo jeediyeen in la garab istaago xaruntan oo aan wax taageero ah helin balse khadro ay garatay kaligeed in loo baahan yahay iskuul noocaan oo kale ah ayagoo taas aad uga mahadceliyay 

Ugu danbaytii waxaa halkaasi lagu soo bandhigay cuntadii ugu danbaysay ee ardaydu kariyaan ee ay kaga qalinjabinayeen machadka  oo ay kamid ahaayeen cunto lagu sameeyay kalluun iyo waxsoo saarka kale ee badda waxaana goobtaasi kaga tijaabiyey marti sharaftii iyo masuuliyiintii lagu casumay munaasibada ayagoo aad ula dhacay macaanka iyo qaabka loo sameeyay cuntooyinkaas

Gaba-gabadii waxaa shahaadooyin la gudoonsiiyey ardaydii ka qalin jabisay xarunta, ee baratay cunta karinta 

Halkan hoose Ka Daawo sawirada 













SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Calbari
Email:Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain