XOG :Muxuu Kusoo Dhammaaday Heshiiskii Gallan iyo Madaxweyne Gaas

XOG :Muxuu Kusoo Dhammaaday Heshiiskii Gallan iyo Madaxweyne Gaas



Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa saaka shantii subaxnimo soo afmeeray socdaalkiisii magaalada Carmo ee gobolka Bari, oo u kaga qaybgalay shirar guud iyo kulamo gaar gaar ah.

Kadib shirweyne shalay kadhacay degmada oo looga hadlayey arrimaha guud ee shacabka Carmo, Puntland iyo midnimada umadda, waxaa xalay Carmo kadhacay kulamo gaar gaar ah.

Kulamadii xalay dhacay ayaa ku bilowday shirar khaas ah oo ay yesheen gudiyadii u xilsaaraa xalinta xurguftii soo kala dhexgashay xukuumadda Puntland iyo Cabdisamad Maxamed Gallan.

Mid kamid ah waxgaradka deegaanka ayaa u xaqiijiyey warbaahinta in madaxweynaha dowladda Puntland iyo Cabdisamad Maxamed Gallan ay kulan u gaar ah oo albaabadu u xiran yihiin lahaayeen saacado badan habeenkii xalay.

Inkasta oo aan warbaahinta loosoo bandhigin waxaa soo dhammaaday khilaafki labada dhinac iyadoona gudiyadi howsha wadey kashaqayn doonaan dhammaystirka arrimo yar oo.

Madaxweynaha dowlada Puntland o usoo kicitimay degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ayaa waxa u dhagaxdhigay madaxtooyo cusub oo laga dhisayo Carmo iyo guri dadka deegaanku madaxweynaha iyo martida degmada siiyeen.

BAARGAAL.NET
isha wararka horumarka calbari
Developed by Jago Desain