Daawo-Todobo Jir Xatooyo Lagu Qabtay Kadibna Nolosha Lagu Gubey

Muuqaalka wiil yar oo nolasha lagu gubay ayaa lagu faafiyay baraha bulshada ee internet, taasoo sababtay in dadka reer Nigeria ay dalbadeen in si degdeg ah sharciga la horkeeno dambiilayaasha.

Wiilkaan oo da’diisa lagu qiyaasay todobo jir ayaa la qabtay xilli uu iskudayay inuu ka xado lacag iyo Mobile bartamaha magaalada Orile-Iganmu.

Warbixin kale ayaa sheegaysa inuu falkaanka dhacay magaalada Badagry, iyadoo intaas lagu daray wiilkaan uusan ahayn Tuug, balse uu iskudayay inuu istaajiyo saddex nin kuwaas oo goobka ka baxsaday.

Sida ay u garacaayeen ayay markii dambe dab qabadsiiyeen ilaa uu ka dhinto.
Developed by Jago Desain