GABAY : HARADA DAAWAD - ABWAAN SICIID AW MAXAMED

Gabay Dhaxal Reeb ah : harada daawad ee kutaal isha coblood
Gabaygan waxaa tiriyey alla ha u naxariistee abwaan siciid aw maxamed Sandkii 1984 wuxuuna ka tiriyey HARADA DAAWAD ee kutaal isha coblood haradaas oo uu abwaanku asaaskeeda lahaa.

Waxaan ujeedada gabaygu ahayd guubaabo uu dadka ku guubaabinayey sidii loo sii balaarin lahaa si looga faaidaysto inta hada wax ka badan.

Halkan Ka akhriso 

Harada daawadey waa inaan kugu dadaalaye
Dannood iyo dig baan kaa rabnaa doolho kale e
Hadii aanay bulshadu diidi hayn waa dal waasaca e
Danigayga ciisaan lahaa ha u daryeeleene
Duqaydaba waraaqdaan u diray dayrka laga tuurye
Ma danayne aa wada dureen amase diideene
Gu iyo dayrba waa soo degaan dacaladeediiye
Doollo iyo waxay uga imaan godob dusheediiye
Waxba kuma daraane waa lagu danaystaaye
Xabka daadsan duunyada cabtiyo awrka isdabajooga
Kolkay doogsato baa biyaha laga daduucaaye
Daal gaabsi may noo tahay roob haduu daoe
Darka meesha yaal sow ma arag dooga yuu dhigane
Odayada dareen iga gal oo ku madadalaane
Hadii ay bulshada soo dumaan lagama diideen
Durdur malaha meeshaan degnaa waa dal jaair ahe
Halkii awrka loo dabi lahaa kaaga sii darane
Dalka waa wadaagna tolow wada degiisiiye
Deegaanta waa nala cuntaan dooga soo baxaye
Dacalada hadaan laysla qaban waa dibyoontahaye
Waa inaynu dooxada coblood wada daryeelaaye
Waa inaynu lacag soo dunaa ari dulsaarnaaye
Waa inaynu daabkiyo gacmaha kaga digsiinaaye
Garkii loo dilaacshoba inay durugto weeyaane
Danta meesha laga leeyahaa idinka duumoone
Dariiqii janada weeye iyo dawga loo maro e
Ilaahay adoon kama dulmiyo deeq u leeyahye
Malaaiigtu waw daabacdaa looxa lagu duugye
Waa inoo dan wixii lagu daraa labada daarood e
Duubigu intuu adagyuhaa lagu danaystaaye
Nin doqoobay kama soo darsado ceelka dawliga e
Dayn maayo gabayga oo waa sii dawilayaaye
Ma degana aduunyada nimuu mawdku dabayaale
Nin kasta oo aduun kala debira laysu dacareeye
Adoo dogob ah baa lagugu ridi dug laguu qodaye
Dib waxaad u dhigataad ka heli daarta aakhiroe
Waa kuu dukaan maalintii laysa soo dumo e
Diligii ilaah baad hargeli hooska daaim ah e
Ma dardaarmi karo nimuu wadnuhu ruuxu digayaaye
Digtoonaada mawd nimuu ku degay dacar magawsii e


Sandkii 1993 abwaanku markii uu waayeeloobay ayna u suura geli wayday in uu tago harada waxa uu tiriyey tix gabay ah oo uu ku cabiraayey sida uu u jecelyahay in harada uu ugu daadalo goor kasta ha ku qaadatee haku qadatee

Gabagiina waa kan.

Aan ku celiyo waa curin kaliyo gabay canaantiise
Ragii hore cadaadshe oo wax badan ciida laga saarye
Abaar ciirle bay qodi jireen ceel banana yahaye
Dantaa igu cuslaataye koleey kama caraabeene
Inkastaan cajsaan ahay afkaan kaaga ciidamine
Calooshayda waa kugu hayaa kuuma ciil qabo e
Calawgaaga dayn maayo iyo caynka loo rabo e
Meeshaan calaamadiyey baa caanka loo tegiye
Developed by Jago Desain