[Sawirro] Munaasabad lagu Taageerayey Xildhibaan Cabdinaasir Siciid Muuse oo ka dhacday Garoowe

[Sawirro] Munaasabad lagu Taageerayey Xildhibaan Cabdinaasir Siciid Muuse oo ka dhacday Garoowe
Caasimadda Garoowe waxaa lagu qabtay munaasabad lagu soo dhawaynayay, Laguna taageerayay Xildhibaan abdinaasir Siciid Muuse oo ku guulaystay xubinimadda Aqalka Hoose ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya.

munaasabadan oo si qurux badan loo agaasimay ayaa kulmisay Siyaasiyiinta, odoyaasha dhaqanka, Ganacsatada ,dhalinyara iyo Haweenka ka soo jeeda Beesha Xuseen Talareer , waxaana ka mid ahaa siyaasiyiintii ka qaybgalay Wasiirka Haweenka Puntland Anisa  Cabdiqaadir xaaji muumin, Xildhibaan Salaad Xareed oo ka tirsan barlamaanka Puntland, Beeldaajaha CalBari Beeldaaje Ismaaciil beeldaaje yaasiin, Qaar ka mid ah Nabadoonadda Gobolka  


Qaar ka mid ah musharixiintii looga adkaaday tartankii Aqalka hoose oo ugu horrayn ka hadlay munaasabadda ayaa ugu hambalyeeyay xildhibaanka cusub guusha uu gaaray Waxayna ballanqaadeen in ay la shaqayn doonaan.

Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Anisa Cabdiqaadir Xaaji Muumin ayaa dhinaceeda u hambalyaysay xildhibaanka cusub, iyadoo xusuusiyay in gobolka uu ka soo jeeda uu ka mid yahya gobolka ugu qanisan dalka, balse duruuf kala duwan ay ka jiraan, waxayna ugu baaqday dhammaan qaybaha kala duwan ee beesha xildhibaanka inay u fududeeyaan in waajibkiisa ka soo baxo

Beeldaaje Ismaaciil beeldaaje yaasiin oo isna ka hadlay munaasabadda ayaa ereyo isugu jiray tilmaamid, Xusuusin iyo dardaaran u jeediyay Xildhibaanka Cusub,Wuxuu u sheegay inuu yahay xildhibaan qaran oo ummada Soomaaliyeed u dhexeeya, islamarkaana laga doonayo inuu u qareemo degaankii uu ka soo jeeday ee Puntland iyo gobolka Gardafuu.

Beeldaajuhu wuxuu ku dheeraaday midnimada iyo wadajirka Beesha, isagoo ugu baaqay dhammaan dadkii ka soo qaybgalay munaasabadda inay is cafiyaan oo ka wada shaqeeyaan sidii degaamadooda iyo dadkooda hormar u gaarisiin lahaa.

Dhinaca kale, Beeldaajuhu wuxuu Baaq Nabadeed u diray Maamuladda Puntland iyo Galmudug inay joojiyaan dagaalka, islamarkaana nabad iyo wadaxaajood lagu dhameeyo wixii dhexdooda yaala.

Waxaa sidoo kale munaasabada ka hadlay Guddoomiyayaasha Degmooyinka Bargaal iyo Bareeda, Qaar ka mid ah dhalinyarada iyo haweenka gobolka Garadafuu, waxaa kaloo munaasabado laga soo jeediyay Buraanburo iyo Tixo lagu amaanay Xildhibaanka Cusub.

Gabagabadii, Xildhibaan Cabdinasiir Siciid Muuse oo khudbad kooban ka jeediyay munaasabadda ayaa uga mahadceliyay dhammaan dadkii ka soo qaybgalay taageerada iyo niyad-samida ay u muujiyeen, isagoo sidoo kale bogaadiyay taageeradii ay muujiyeen Musharixiinti la tartamaysay, Beeldaajaha Guud ee Beelaha CalBari iyo Wasiiradda Haweenka.

wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay in doorashadii iyo Tartankii xildhibaanka Aqalka Hoose loogu tartamayay ay keentay in beeshu Midowdo, Taasina ay ahayd sababta uu isugu soo sharaxay kursiga.

Xildhibaanku wuxuu kaloo ka codsaday Qaybihii kala duwanaa ee ka soo qaybglay munaasabadda inay ugu duceeyaan xilka loo dhiibay inay ilaahay u fududeeyo, oo uusan culays ku noqon, Taasi oo dhamaantood ay ugu duceeyeen.

Xildhibaan Cabdinasir Siciid Muuse oo Todobaadkan loo doortay xubinnimad Aqalka hoos ee barlamaanka federaalka Soomaaliya, Waa nin dhalinyaro ah oo aqoonyahan ah, Horumuudna iyo Macalinba ka ahaa kuliyadda Dhaqaalaha ee Jaamacadda Bariga Afrika ee Magaaladda Bosaso.






 





Developed by Jago Desain