Seddex xildhibaan oo cusub oo lagu doortay Wajiga 2aad doorashada xubnaha Aqalka hoose Puntland u matalaya

Seddex xildhibaan oo cusub oo lagu doortay Wajiga 2aad doorashada xubnaha Aqalka hoose Puntland u matalaya



Magaalada Garoowe ee caasimadda dowladda Puntland ayaa saaka waxaa dib uga bilaabatay doorashada xildhibaanada aqalka hoose ee barlamaanka federalka ah ee Soomaaliya.

Doorashadan oo wajigeedii 1aad uu 5tii bishan bilowday ayaa waxa wajigeeda labaad saaka ka furmay xarumaha jaamacadaha PSU iyo EAU ee magaalada Garoowe waxaana Kurisigii 13aad ee Puntland ku yeelanayso Aqalka Hoose Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Waxaa ku guulaystay Siciid Xuseen Ciid oo helay 48Cod ,Halka Musharixii la tartamayey Maxamuud Rooble Maxamed uu isna helay 1 cod,waxaana xumaaday hal cod.

Kursigii 14aad ee Puntland ku yeelanayso Aqalka Hoose , ayaa waxaa isna ku guulaystay Zakeriye Maxamuud Xaaji Cabdi oo helay 32 cod.

Kursigii 15aad ee Puntland ku yeelanayso Aqalka Hoose, ayaa Waxaa ku guulaystay Burhaan Aaden Cumar oo helay 51 cod, halka Mowliid Maxamed Siciid uusan helin wax cod ah.

Ergooyinka qaar kamid ah beelaha deegaamada Puntland ayaa horay usoo doortay 12 kamid xildhibaanada aqalka hoose iyadoona inta dhiman lagu soodhamayn doono kahor 22 bishaan 11aad ee sanadka 2016.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
Developed by Jago Desain