TOP-NEWS:-Faah faahin ka soo Baxaysa Weerar Hubeysan oo lagu Qaaday Xaruntii Doorashada Magaalada Jowhar

Waxay faah faahin ka soo baxeysaa iska horimaad Xalay ka dhacay Magaalada Jowhar, gaar ahaan Xarunta ay Ergada ku soo dooranayso Xildhibaanada Maamulka Hirshabelle ku metelaya Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Somaliya.

Iska horimaadkan, ayaa u dhaxeeyay ciidan kala taabacsan laba ka mid ah saddex musharax, oo Halkaasi ku tartameysay kursiga Beesha Jidle, Gugundhabe, oo lagu kala magacaabo Maxamed C/laahi Xasan, Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Somaliya iyo Musharax Axmed Sheekh.

Wareegii hore ee doorashada, ayuu Wasiirku helay 21 ka mid ah codadka 51 ergo oo wax dooraneysay, iyadoo Axmed Sheekh uu helay 23 cod, halka musharaxa saddexaadna uu helay 7 cod.

Guddiga Doorashooyinka Hirshabelle, ayaa sheegay in la qabanayo wareeg labaad, oo ay isugu soo baxeen Axmed Sheekh iyo Wasiirka, maadaama ay labadoodu ugu cod bateen.

Wasiirka, ayaa la sheegay in wareega labaad uu ka meer meeray, iyadoo koox dhalinyaro oo diyaarsaneyd ay damisay korontada Xaruntii ay Ergada wax ku dooranaysay, waxaana xigtay in dibadda uu uga baxo Xaruntaasi.

Murun afka ah oo dhex maray Wasiirka iyo Axmed Sheekh, ayaa soo dedejisay iska horimaad halkaasi ku dhex maray ciidan kala taabacsan. 

Tallaabada uu Wasiirku uga baxay Xaruntan waxay ka dambeysay, markii uu teleefan u soo dhacay.

Ciidamada Nabad Suggida iyo Booliskii nabadgelyada qaabilsanaa, ayaa soo kala dhex galay labada dhinac, isla-markaana waxay xaaladda ku soo celiyeen mid caadi.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ugu yaraan saddex qof ay ku dhaawacantay iska horimaadkaasi, oo laba ka mid ah ay yihiin dhinacyadii uu iska horimaadku u dhaxeeyay, halka midka kalana uu yahay wiil uu dhalay Madaxweyne Ku Xigeenka Hirshabelle, Cali C/laahi Xuseen (Cali Guudlaawe), oo rasaastu ay hoygoodu ugutagtey.

Suxufiyiinta Magaalada Jowhar, ayaa soo sheegaya in iska horimaadkan uu dareen baqdin leh ku beeray Ergadii madasha ku sugneyd iyo weliba bulshada ku dhaqan magaaladaasi.

Dowladda Dhexe Soomaaliya, Maamulka Hirshabelle iyo Saraakiisha ammaanka, ayaan weli wax war ah ka soo saarin iska horimaadka dareenka dhaliyay.

Loolanka loogu jiro ka mid noqoshada Aqalka Hoose, ayaa waxaa la leeyahay waxay gaartay heerkii ugu sareysay ebid, inta ay taariikhda Somalidu xuseyso.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka horumarka Calbari
Developed by Jago Desain