Xulufada Xasan Sheekh oo kusoo baxay xildhibaanimo

Xulufada Xasan Sheekh oo kusoo baxay xildhibaanimo
Labo ka mid ah xulufada ugu muhiimsan ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta loo doortey xildhibaano baarlamaanka Soomaaliya.

Faarax Sheekh Cabdiqaadir oo ah saaxiibka koowaad ee madaxweynaha iyo xulufada ugu weyn ayaa maanta dib loogu doortey xildhibaanimo magaalada Jowhar, isaga oo heley 50 cod, halkii musharixii la tartamayay uu heley 1 cod oo kaliya.

Sidoo kale waxaa soo baxay Cabdullaahi Sanbaloolshe oo ahaa safiirkii Soomaaliya Turkiga u fadhiyey, ahna xulufada madaxweynaha.

Sida hadda muuqata, inta badan waxaa dib usoo laabanaya dadkii ologa la ahaa madaxweyne Xasan Sheekh, taasi oo rajadiisa dib u doorashada kor usii qaaday.

SHABAKADA BAARGAAL.NET

Isha wararka Horumarka Calbari
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain