Daawo Sawiro :Xaflad Sagootin ah oo loogu sameeyey Boosaaso Xildhibaan Cabdinaasir Siciid Muuse

Daawo Sawiro :Xaflad Sagootin ah oo loogu sameeyey Boosaaso Xildhibaan Cabdinaasir Siciid Muuse
Xaflad sagootin ah ayaa shalay loogu sameeyey magaalada Boosaaso Xildhibaan Cabdinaasir Siciid Muuse oo dhawaan kamid noqday Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya.
Xaflada oo lagu qabtay hotel Jubba ayaa ,waxaa soo qabanqaabiyey dhalinyaro aqoonyahano ah oo dalka Hindiya ay wax kusoo wada-barteen,Xildhibaano ka tirsan gollaha degaanka Boosaaso iyo marti sharaf kale.
Aqoonyahankii iyo martidii kale ee ka qeybgalay xafladda ayaa ka sheekeeyey taariikhda iyo aqoonta Xildhibaan Cabdinaasir Siciid Muuse,waxayna sheegeen in uu yahay nin dhalinyaro ah oo wax badan ka qaban kara xaalada dalka Soomaaliya.


Xildhibaan Cabdinaasir Siciid Muuse ayaa kamid ahaa ardeydii wax kusoo baratay dalka Hindiya,markii uu dalka kusoo laabtayna ,wuxuu bare ka noqday Jaamacada Bariga Afrika.






Developed by Jago Desain