Posts

Hay’adda Culimadda Soomaaliyeed oo ka digtay Tartanka Kubada Kolayga ee Gabdhaha ee Garowe ka furmaya


Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ah Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa si kulul ugu hadlay tartanta Kubbada Kolleyga Gabdhaha Soomaaliyeed ee ka furmaya Magaalada Garowe ee Puntland.

Sheekh Bashiir ayaa sidoo kale sheegay in la doonayo in la fasahaadiyo Gabdhaha Muslimiinta ah, lana doonayo in Cawradooda banaanka la soo dhigay.Waxa uu sidoo kale sheegay in ay marar badan kala hadleyn Wasaarada Cayaaraha iyo Maamulka Gobolka Banaadir balse aysan dhageysan hadalkooda iyo talooyinkooda.

“Waa Macsi ee Tartan ma ahan Macsi intaale eg in Lacag lagu bixiyo oo Abaalmarin lagu dhiibo waan ka digeynaa oo Dadka waa in ay Alle iyo Rasuulkiisa ka baqaan”ayuu yiri Sheekh Bashiir Axmed Salaad.

Sheekh Bashiir ayaa tartankanku tilmaamay inuu yahay macaasi, isla markaana ay dhibaato keenikarto, isagoo intaa ku daray in ka culumo ahaan ay ka digeynaa.

Tartanka Kubadda Kolleyga ee maanta ka furmaya Magaalada Garowe ayaa waxaa ka qeyb galaya Maamulka Gobolka Banaadir, Puntland, Hirshabeelle, Galmudug iyo Jubbland.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
Developed by Jago Desain