December 16, 2016

KHUDBADIHII JIMCAHA MAANTA OO LAGU AMAANAY WASAARADDA HAWEENKA PUNTLAND


Khudbadihii Jimcaha maanta ee masaajida magaalooyinka waaweyn ee Puntland ayaa diirada lagu saaray Qadiyad ku aadan buug muran dhaliyay oo mid ka mid ah Hay,addaha Ajnabiga ah ay si qarsoodiya u faafinaysay, kaasoo markii ugu horeysayna ay si wada jir ah uga digeen Wasaaradda Haweenka iyo Hay,adda Xuquuqul Iinsaanka Dowlada Puntland .

Culimada ayaa si qoto dheer uga hadlay sida looga baahan yahay in dowlada iyo shacabkuba markasta ka digtoonaadaan fal walba oo lagu waxyeelaynayo ku dhaqanka diinteena suuban ee islaamka, waxayna si gaar ah amaan iyo bogaadin ugu jeediyeen Wasiirka Haweenka Puntland Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumin oo markii ugu horeysay arrintan daboolka ka qaaday.

Dhanka kale Culimadu waxay ka hadleen ku deg degida falal ku aadan mowduucyada islaamka in qof loogu been abuurto, waxayna farta ku fiiqeen inay khaldan yihiin qoraalo baraha bulshada ay ku faafinayaan dad ku been abuuranaya masuuliyiin u heelan difaacida diinta Islaamka.

Masaajida sida gaarka ah mowduucan looga hadlay waxaa ka mid ah Masjidka XAAJI CALI oo ku yaala Garowe iyo Masjidka AL-ROWDA oo ku yaala magaalada Bosaso.
NEXT ARTICLE Next Post
PREVIOUS ARTICLE Previous Post
NEXT ARTICLE Next Post
PREVIOUS ARTICLE Previous Post
 

Delivered by FeedBurner