Posts

Laamaha Amniga Puntland oo qabtay Nin iyo Naag cudurka AIDS ka ku faafiyay Puntland

Hay’adda la dagaalanka cudurka Aidska Puntland ee Puntland Aids Comission (PAC)ayaa maanta shaacisay in laamaha amniga dawlada Puntland ay gacanta kuhayaan labo qof oo cudurka Aidska ku faafinayay gudaha Puntland.

Agaasimaha hay’adda PAC Dr.Cabdiraxmaan Siciid Dhagaweyne oo shir jiraa’id warbaahinta ugu qabtay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland ayaa sheegay labada qof ee hay’addaha amnigu hayaan inay kala yihiin rag iyo dumar, kuwaas oo si ukalac dad kale u qaad siiyay cudurka Aidska.

Dr. Cabdiraxmaan Dhagaweyne ayaa wacad ku maray in cadaalada la horkeeni doono dadka ku kacay falkaan, wuxuuna hay’addaha garsoorka ugu baaqay inay sharciga mariyaan dadka falkaan ku kacay, si ay jawaab ugu noqoto cid walba oo ku haminaysa bulshada ku dhex faafiso cudurkaan

Ugu dambayn wuxuu digniin udiray shacabka Puntland, isagoo ugu digay inay ka feejignaadaan cudurkaan ayna isbaaraan dadka is guursanaya, wuxuuna yiri,” Dadku aanu hayno waxaa kamid ah qof dumar oo aan Puntland u dhalan, taasoo qaad siiyay ilaa saddex rag oo ay guursatay.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha warark horumarka calbari
Developed by Jago Desain