Posts

Qorshe Xilka Looga Qaadaya Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Oo Garowe Ka Socda


Baarlamaanka Dawlada Puntland ayaa hadda bilaabay iney diyaariyaan mooshin ka dhan ah madaxweyne ku xigeenka Puntland Injineer Camey, kadib markii uu siyaasad ahaan ku biirey gobollada waqooyi.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in Camey laga diyaariyey Mooshin, dhowaanna loo gudbin doona guddoonka baarlamaanka ee dawlada Puntland, iyadoo la doonayo in meesha laga saaro.

Sababta ugu weyn ayaa ah in uu ku hadlay afka Gobollada Waqooyi, Somaliland, isaga oo meesha ka saarey ulajeedkii Puntland ay ugu soo dirsatay Xamar.

Xildhibaano kamid ah mudanayaasha baarlamaanka Puntland ayaa u xaqiijiyey warbaahinta in sida ugu dhaqsiyaha badan looga fariisan doono Mooshinka Camey.

Marar badan Camey waxa uu ka badbaaday mooshino kaga yimid dhanka Gaas iyo xildhibaannada qaarkood, balse hadda waxaa laga yaabaa in ay seefta qaadato

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
Developed by Jago Desain