Shariif Xasan Sheekh Aadan Oo beeniyay In Itoobiya Ku Khasabtay Inuu Ka Haro Musharaxnimada Madaxwaynaha Somaliya

Shariif Xasan Sheekh Aadan Oo beeniyay In Itoobiya Ku Khasabtay Inuu Ka Haro Musharaxnimada Madaxwaynaha Somaliya
Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa beeniyay inuu ka tanaasulay Musharaxnimadiisa Madaxweynaha xili ay soo baxeen inuu ka haray hankiisii ahaa inuu tartamo.

Afhayeenka xafiiska Shariif Xasan Sh Aadan, Cabdulaahi Sheekh Xasan ahna wasiir ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in been abuur ay yihiin wararka sheegaya inuu tanaasulay Shariif Xasan.

Dowladaha Imaaraadka iyo Itoobiya ayaa la ogaaday in Shariif Xasan ay ku qal qaaliyeen inuu ka tanaasulo musharaxnimadiisa isla markaana uu taageero Musharax ay wataan Labadaasi dowladood.

Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa la aamisan yahay inuu saameyn xoogan ku leeyahay xubnaha cusub ee barlamaanka ee laga soo doortay maamul goboleedka koonfur afrika .

SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka CAlbari 
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain