Warbixin + Sawiro : Shir balaaran oo looga hadlayo wadashaqaynta Degmooyinka iyo Gobolka oo maanta Caluula Ka furmay

WArbixin + Sawiro : Shir balaaran oo looga hadlayo wadashaqaynta Degmooyinka iyo Gobolka oo maanta Caluula Ka furmay
Magaalo madaxda Gobolka Gardafuu ee Caluula , waxaa maanta ka furmay shir ballaran looga hadlayo caqabadaha hortaagan qorshayaasha horumarinta gobolka iyo sidoo kale isku xirka iyo wadashaqaynta degmooyinka iyo gobolka iyo xaalada amniga guud ee Gobolka ka jira

Shirkan oo socon doona muddo 3 maalmood ah ayaa waxaa ka soo qayb galay Gudoomiyaha Gobolka Gardafuu mudane Maxamuud axmed caynab Gubsul , Gudoomiyaasha iyo xoghayayaasha degmooyinka Caluula, Baargaal iyo Bareeda xildhibaan mustafe bile oo katirsan barlamaanka Puntland , isuduwaha wasaarada Arimaha Gudaha iyo horumarinta miyiga ee Gobolka Gardafuu C/qaadir Caato , isuduwaha wasaarada dekedaha iyo la dagaalanka burcadbadeeda , taliye ku xigeenka laanta cashuuraha, iyo taliyaha qaybta iyo masuuliyiin kale

gudoomiyaha Gobolka Gardafuu mudane Maxamuud axmed caynab Gubsul oo furitaanka shirka hadal ka jeediyay ayaa faahfaahin ka bixyay u jeedadda shirkaasi iyo waxyaabaha lagu gorfayn doono asagoo tilmaamay ajindayaal ay kamdi yihiin


1-Warbixin guud iyo xog is dhaafsi degmooyinka iyo gobolka
2-Xaaladda amni ee degma walba ka jirta
3-Xaaladda abaaraha
4-Tayaynta maamulka, xiriirka iyo wadashayqaynta

gudoomiyaha oo arintaas ka hadlaya ayaa sheegay inay muhiim tahay in si fiican laysula jaan-qaado lana dajiyo qorshayaasha horumarinta gobolka 


intaasi kadib waxaa warbixino ku saabsan xaaladaha degmooyinka iyo caqabadaha ka jira laga dhagaystay gudoomiyayaasha degmooyinka ka soo qaybgalay shirka , 

shirkan maantay ka furmay magaala madaxda gobolka gardafuu ee caluula ayaa ah shirkii ugu horeeyay oo nociisa oo kale ah oo ay isu yimaadaan gudoomiyayaasha iyo masuuliyiinta degmooyinka tan iyo matkii lagu dhawaaqay gobolka gardafuu saddex sano ka hor 

SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararaka horumarka calbari
baargaal@gmail.com










Developed by Jago Desain