Posts

Akhriso: Waxa Sababay In Dib Loo Doorto Jawaari


Wuxuu dhashay 1945, wuxuuna ku dhashay degmada Afgooye, Shahaadada 2aad ayuu ka heysaa Qaanuunka, wasiirka gaadiidka cirka iyo dhulka ayuu ahaa(1984-1990), waxaa uu xubin ka noqdey dhowr guddi oo dastuurka ah sida guddiga diyaariyay dastuur KMG ah 1990-kii, Lataliyaha UNDP ee dastuurka hadda dalka lagu maamulo iyo markii dambe guddoomiyaha guddiga khubarada ah ee dib-u-eegista dastuurka ilaa 2012-kii loo doortey guddoomiyaha baarlamaanka federaalka ah, Jawaari waxaa uu ku hadlaa 5 luqad.

Mr. Jawaari oo baarlamaanka federaalka ah kalsooni ka raadinaya waxaa uu yiri:“Waxaad igu qiimeysaan labo qodob oo kaliya, tan koowaad; Khibrad, tan labaad waxaad igu qadarisaan hiigsiga aragtideyda aan jeclahay inaan idinku hoggaamiyo haddii aad isiisaan kalsoonidiinna oo aad ii doorataan guddoonka golaha shacabka”.

Hadalkaan ayaa sabab weyn u ah in dib loo doorto guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari

 guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ku guulaystay doorashada guddoomiyaha baarlamaanka kadib markii uu helay codad dhan 141 cod.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain