DAAWO SAWIRO : Xoghayaha Dawladda Hoose ee Degmada Caluula ee Gobolka Gardafuu oo soo bandhigaya xisaab celinti sanadka 2016 ee Degmada

DAAWO SAWIRO : Xoghayaha Dawladda Hoose ee Degmada Caluula ee Gobolka Gardafuu oo soo bandhigaya xisaab celinti sanadka 2016 ee Degmada
Xoghayaha Dawladda Hoose ee Degmada Caluula  ee xarunta gobolka Gardafuu Mudane Cawil Siciid Maxamed ayaa 31/12/2016 golaha deegaanka Degmada Caluula iyo gudiga ganacsatada degmadaasi ugu soo bandhigay hoolka dawladda hoose xisaab celinti sanadka 2016 ee dhamaaday isla markaana wuxuu xoghayuhu soo bandhigay wax qabadyadii sanadka dhamaaday iyo qorshayaasha iyo waxqabadka hor yaala maamulkooda  sanadka 2017.

Waxaa goob joog ka ahaa madasha uu xisaab celinta ku soo bandhigayay Xoghayaha Dawladda Hoose Degmada Caluula ku xigeenka gudoomiyaha Degmada Caluula, Isuduwaha dawladaha hoose ee gobolka gardafuu, xisaabiyaha dawladda hoose iyo sidoo kale agaasimaha waaxda maaliyadda dawlada hoose xildhibaanada joogtada ah ee golaha deegaanka Degmada Caluula iyo gudiga ganacsatada Degmada iyo marti sharaf kale oo ka kala yimi qaybaha kala duwan ee bulshada 

Mudanayaasha ka soo qayb galay madasha xisaab calinta iyo warbixinta waxqabadka ayaa waxay dhamaantood ammaan iyo bogaadin usoo jeediyeen xoghayaha dawladda hoose iyagoo ku amaanay mudada kooban ee uu xilka hayay iyo wax qabadka aadka u ballaaran iyo horumarka uu ka sameeyay Degmada Caluula waxayna kula dardaarmeen xoghayaha inuu sii laban laabo dadaalka uu ugu jiro horumarka Degmada.

Xoghayaha Dawladda Hoose ee Degmada Caluula  ee xarunta gobolka Gardafuu Mudane Cawil Siciid Maxamed  aya dhawaan waxaa lagu abaal mariyay shir waynihii ballaarnaa ee ay isu yimaadeen gudoomiyayaasha  iyo xoghayayaasha degmooyinka iyo maamulkka gobolka Gardafuu shirkaasu oo uu marti galiyay gudoomiyaha cusub ee Gobolka Gardafuu Mudane Maxamuud Axmed caynab asagoo lagu amaalmariyay waxqabadkiisa iyo horumarka uu ka qayb qaatay mudadii koobnayd ee uu xilka hayay 







SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Calbari 
Baargaal@gmail.com

Developed by Jago Desain