DEGDEG : Golayaasha Degaanka Degmooyinka Caluula iyo Bareeda oo lakala diray

DEG DEG XOG : Golayaasha Degaanka Degmooyinka Caluula iyo Bareeda oo lakala diray
warar hoose oo ay heshay Shabakada BAARGAAL.NET  ayaa sheegaya in wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxwaynaha Dawlad Goboleedka Puntland C/wali maxamed cali gaas lagu kala diray Golayaasha Deegaanka Degmooyinka Caluula iyo Bareeda ee gobolka Gardafuu waxa warkaas u xaqiijiyay shabakada Baargaal.net ilo xogo-gaal ah oo ku sugan Magaala Madaxdada Ganacsiga Puntland ee Boosaaso.

waxay wararku intaasi ku daraayaan in wasaarada arimaha Gudaha Puntland lagu wargaliyay  inay ugu soo dhisto golayaal deegaan oo cusub labada degmo muddo 45 cisho gudohood iyadoo 
ay si kumeel gaar Degma Walba loogu magacaabay Gudoomiye iyo kuxigeenkiisii   ,kaddib markii lakala diray maamulkii degmooyinkaas 

Degmada Bareeda ayaa waxaa si ku meel gaar ah loogu soo magacaabay C/raxmaan jibriil cabaas gudoomiye ku meel gaar ah halka Degmada caluula ee xarunta Gobolka Gardafuu si ku meel gaar ah loogu soo magacaabay Cali shire maxamuud  iyadoo kuxigineedadoodii hore si ku meel gaar ay ay shaqada usii wadaayaan

wararka ayaa intaasi ku daraya in sidoo kale la badalay gudoomiye ku xigeenka gobolka gardafuu mudane axmed cali jaamac oo loo soo magacaabay gudoomiye ku xigeenka gobolka gardafuu mudane c/raxmaan muuse cumar 


SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari 
Baargaal@gmail.com

Developed by Jago Desain