Posts

Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta Muqdisho ka dhaceysa


Magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Golaha shacabka ayaa maanta lagu wadaa in ay ka dhacdo Doorashada Guddooomiyaha Baarlamaanka FederaalkaSoomaaliya, maadaama horey ay u shaaciyeen Guddiga Qaban Qaabada Doorashada Guddoonka Baarlamaanka.

Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa maanta si weyn loo adkeeyay, gaar ahaan xarunta ay ka dhaceyso Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka 10-aad ee Soomaaliya.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa isku diyaarinaya sidii ay u dhiiban lahaayeen codadkooda, oo ay u siin lahaayeen shaqsiga ay u arkaan in uu mudan yahay xilkan.

Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxa ay kala yihiin Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), C/fitaax Ibraahim Geeseey, Idiris Cabdi Dhaqkhtar iyo C/rashiid Maxamed Xidig.

Sidoo kale maalinta berri ah oo Taariikhdu ay ku beegan tahay 12-ka Bishan ayaa la filayaa in la soo doorto ku xigeenada 1-aad iyo 2-aad ee Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

SHABKADA BAARGAAL.NET
ISHA WARARKA HORUMARKA DEEGAANADA CALBARI
Developed by Jago Desain