Sawiro: kalfadhigii 3-aad ee golaha deegaanka Degmada Bareeda ee gobolka Gardafuu oo furmay




Waxaa Maalintii 3 aad  si qurux badan uga socda Guriga dawlada hoose ee degmada Bareeda kalfadhigii 3, aad ee golaha deegaanka Degmada Bareeda 

Kalfadhigan ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin ka socotay Gobolka Gardafuu oo uu horkacayo Gudoomiyaha gobolka gardafuu mudane maxamuud axmed caynab iyo isuduwaha dawladaha hoose mudane C/qaadir maxamed jaamac ( C/qadir caato) , xubanaha golaha Deegaanka Degmada Bareeda iyo marti sharaf kale. 

Waxaana kalfadhigan furay Gudoomiayah Gobolka Gardafuu Mudane Maxamuud axmed cayanb isagoo kawarbixiyay waxyaabihii uqabsoomay maamulka gobolka mudada kooban oo ay xilka hayaan waxa uu sheegay in ay dadaal xoogan mujiyeen iyadoo caqabado badan ay jiraan asagoo sidoo kale uga waramay qorshyaasha horumarinta degmooyinka gobolka wuxuu ugu baaqay in ay igarabsadaan oo ay khilaafka iska ilaaliyaan lana shaqeeyaan gudoomiyaha golaha deegaanka

 intaasi kadib waxaaa hadalka qabsaday gudoomiyaha degmada bareeda siciid yuusuf diiriye asagoo ugu horayntii xaqiijiyay tirada kooramka xildhibaanada golaha deegaanka Degmada Bareeda oo ay tiradoodu dhantahay 17 xildhibaan wuxuuna sheegay in ay kalfadhigan xaadir tahay 12 xildhibaan sidaas darteedna uu furan yahay kalfadhigan. 

Gudoomiyaha degmada bareeda ayaa ugu horaynta hadalkiisa soo dhaweeyay gudoomiyaha gobolka wuxuu sheegay inay la shaqayn doonaan asagoo sharax kooban ka bixiyay waxqabadkii sanadkii tagay ee dawlada hoose ee degmada bareeda , ka dibna waxa uu soo bandhigay ajandayaasha kalfadhigan oo ay ka mid yihiin, dhagaysiga iyo ansaxinta warbixinta waxqabadka maamulka degmada Bareeda ee sanadkii tagay ee 2016 iyo ka doodista miisaaniyada iyo qorshayaasha horumarinta ee dhinacyada adeegyada bulshada sida biyaha, waxbarashada, caafimaadka, beeraha, nabaglayada iyo maamul wanaaga.

intaasi kadib waxaa la dhaariyay xildhibaan abuukar maxamud axmed oo badalaya xubinimadii gudoomiyaha cusub ee gobolka gardafuu oo horay uga tirsanaan jiray golaha deegaanka degmada Bareeda

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari






Developed by Jago Desain