Sheeko: Tahriib iyo Tahlukadii Aan Galay: Qore Khadar Ibrahim [Qaybtii 3- aad ]

Sheeko: Tahriib iyo Tahlukadii Aan Galay: Qore Khadar Ibrahim [Qaybtii 3- aad ]

W.Q / Khadar Ibrahim Aar

Intiinii sheekada qaybtii hore la socotay waxa ay inoo maraysay asagoo wiilku ka tagay burco 

asagoo ka sheekaynaaya dhibaatadii aadka u xumayd ee uu soo maray intii uu Tahriibka kusoo jiray .

Isaga oo sheekadii inoo wadana waxa uu yiri :-

Talaabadii u horaysay ee Tahriibkayga waxa aan ku tagay Magaalada Hargaysa, Mukhalasiintii Hargaysa joogtay waxaa ay i geeyeen Guri ay Dhalinta ku ururiyaan, waxanan kula kulmay dhalinyaro aad u badan oo Safarka Tahriibka loo diyaariyay.

Dhalinta badankoodu isma yaqanaan ,Qofkasta oo ka mid ahina taleeffan ayuu hawshiisa si qarsoodiya ugu maamulayaa ,waa lakala wada shakisan yahay ,balse waxaa laga wada midaysan yahay Safarka iyo u hilawga Yurub.

Intaad Gurigaa ku jirto Talafoon kasta oo kugu soo dhaca dibada ayaad ula baxaysaa ,Xanshashaq mooyee talo kale maa taalo, qofna qofka kale Sirtiisa u sheegi maayo maaha Dawalad iyo Xukuumad in laga cabsi qabo waxaa la iska ilaalinayaa waa in ay ku ogadaan Walidka,xataa Magacaga hadii lagu waydiiyo waxa aad sheganaysaa mid kale .

SOCDAALKII ADIS’ABABA

Waxa aan xasuustaa Maalin Sabti ah ayaa waxaa si tartiiba naloogu Guray Babuur,Kontorolada badankooda cidiba nama joojiso,waxa aad mooda in ay wada shaqeeyaan Boliska iyo Mukhalasiintu waxa aanu goor habeenima ah galnay Magalada Adisababa oo Jawigeedu Qabaw yahay .

Markii aanu tagnay Adis’ababa ayaa Qoladii nawaday waxa ay nagu wareejisay Mukhalasiin kale, waxa aad moodaa in aanu nahay Shixnad alaab ah waayo Qoloba qolo kale ayay nagu xawishaa ,kadibna waxaa nala geeyay Guri aad ay dhalinyaro uga buuxdo .

Markii u horaysay ee aan Gurigii galay waxyabaha iigu layaabka badnaa waxaa ka mid ahaa in aan Gurigii ugu tagay Dhalinyaro aanu saxiibo ahayn gaar ahaan kuwii aanu ceeshow milxa ahayn oo iyaguna Tahriibaya.

Runtii aad ayay ii farax galisay aragtida dhalintaasi waayo waxa aan helay rafiiq aan Tahriibka iska weheshano,sababta oo ah waxa aan sheeko Tahriib ku maqli jiray hadii aad wada safartaan cid aydaan isku Hayb amma isku Maagalo aydaan ahayn waxaa laga yabaa in Dhibkasta oo kusoo gaara aad kali ku noqoto.

SAFARKII SUDAN

Sacadu waa Lixdii Maqribnimo waxaa garabka ii suran Shandad yar oo loogu talagalay Tahriibka oo aan Adisababa ka Iibsaday ,dhamaan Dhalinyaradu waxa ay diyaar u wada yihiin in wakhti-yar ka bacdi ay babuurta fuulaan,balse waxa ay sugayaan oo kaliya Amarada Madaxda Mukhalasiinta .

Waxaa noosoo galay Nin ka mid ah Mukhalasiinta oo anan hore u arag waxa uu nagu yirii si bilaa buuqa u fuula babuurta 

Developed by Jago Desain