Posts

WAR DEG DEG : Qarax xoogan oo gaari loo adeegsaday oo lagu qaaday hotel Dayax ee magaaladda Muqdisho

WAR DEG DEG : Qarax xoogan oo gaari loo adeegsaday oo lagu qaaday hotel Dayax ee magaaladda Muqdisho
Qarax weyn oo loo adeegsadey gaari la aaminsan yahay in uu ahaa nooca xamuulka ayaa ka dhacay banaanka hore ee Hotel Dayax oo ku yaala waddada Maka al-Mukaramah magaalada Muqdisho. Hotel Dayax ayaa la shegayaa in uu ka mid ahaa Hoteelada ay degan yihiin siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada cusub.

Qaraxa kadib ayaa la maqley rasaas aad u culus oo la is dhaafsanaayo. Qaraxa iyo rasaasta hore kadib ayaa la maqley qarax labaad oo aan la aqoon halka uu ka dhacay laakiin aad ugu dhaw goobta.

Ma cadda ilaa hadda khasaaraha ka dhashey weerarka dhacay subaxnimada Arbacada.



SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka CAlbari 
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain