Posts

Daawo:Degmada Baargaal oo si wayn loogu dabaaldagay Guusha madaxwayne Farmaajo

Daawo:Degmada Baargaal oo si wayn loogu dabaaldagay Guusha madaxwayne Farmaajo
Kumanaan shacab ah ayaaa Maanta isuguso baxay Suuqyada iyo fagaarayaasha Magaalada Baargaal , iyagoo u dabaal dagayay taageerada madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Xalay ku guulaystay madaxweyanaha Soomaaliya ee afarta sano ee soo socota.

Dadwaynaha ayaa socod ku kala bixiyay magaalada Baargaal gudehaada ayagoo ku dhawaaqaayay ereryo isugu jira hambalyo iyo soo dhawayn iyo isbadal in loo baahnyahay  Waxaa sidoo kale ka muuqday wajiyada dadwynaha dabaaldagayay sida ay ugu faraxsanyihiin sida wanaagsanayd ee habsamida lahayd ee doorashadu ugu dhacday ayagoo taas ku amaanay Barlmaanka cusub ee soomaaliya oo ka turjumay rabitaanka shacabka 


Gudoomiyaha Degmada Baargal Abuukar Axmed yuuusuf  oo la hadlay dadkii dabaaldagaayay soona dhawynaayay madaxwaynaha cusub ee soomaaliya maxamed cabdulaahi farmaajo ayaa sheegay in wakhtigan xaadirka ah loo baahnaa madaxwayne soo celin kara rajadii midnimada iyo xasiloonida soomaaliya asagoo u diray baaq Madaxwaynaha Cusub inay ku casumaayaan  deegaanada Gobolka gardafuu ee Puntland oo  ku yaala geeska soomaaliya 

Dadawaynihii Dabaaldagaayay ayaa ku soo bandhigay barxda Guriga Dawlada hoose ee Degmada Baargaal ciyaaro iyo dhoolatus iyo suugaan ay ku taageeraayaan madaxwaynaha Cusub ee dawlada soomaaliya Mudane maxamed c/laahi farmaajo 

Madaxweyne Farmaajo ayaa soo jiitay quluubta shacabka Soomaaliyeed iyadoo si siman guusha looga dabaal dagay guud ahaan Soomaaliya, wuxuuna ahaa musharaxa kaliya ee haystay taageerada shacabka Soomaaliyeed.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari
Baargaal@gmail.com


















Developed by Jago Desain