Posts

DHAGEYSO WAREYSI:- Maxaa ka cusub Xiisada ka jirta Puntland ?

DHAGEYSO WAREYSI:- Maxaa ka cusub Xiisada ka jirta Puntland ?

Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Faraweyne oo waraysi siinayey Idaacadda Daljir ayaa ka hadlay ciidamo maanta gelinkii hore isku wareejiyey xarunta barlamaanka Puntland.

Cumar Faraweyne ayaa ugu horayn sheegay in ammaanka guud ee magaalada uu degan yahay islamarkaana ciidanku aysan xarunta lawareegin haseyeeshee ay korka ka qabsadeen maamulkeeda.

Gudoomiyuhu wuxuu xusay inay ku guulaysteen in ciidanka lagu celiyo fariisimo kuyaala dhanka Laac-dheere, maalinimada berri ahna ay kala hadli doonaan xuquuqdooda.

Dhanka kalena gudoomiyaha ayaa waxa uu sheegay in dad ka shaqaynaya xarumaha Puntland ay warka si kale u dhigeen loona baahan yahay in shacabka iyo qof walba uu nabadda ka shaqeeyo.


halkan hose ka dhagayso

Developed by Jago Desain