Madaxwaynihii hore ee soomaaliya Xasan Shiikh oo noqonayo shakhsigii ugu horeeyey ee mooshin laga geeyo Baarlamaanka

Madaxwaynihii hore ee soomaaliya Xasan Shiikh oo noqonayo shakhsigii ugu horeeyey ee mooshin laga geeyo Baarlamaanka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa noqday shaqsigii ugu horeeyey ee uu baarlamaanka mooshin ka keeni doono markii ay yeeshaan fadhigooda ugu horeeyo.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa inuu dhaqan geliyo Doqobka 64-aad ee Dustuurka, kaasoo xusayo in madaxweynaha la doorto markii uu xilka ku wareejiyo madaxweynaha kale oo la doortay uu noqon doono Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka qaranka.

Moshinkaan ayaa waxaa hoggaanka u hayo guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari, haddii uu ku guuleystana wuxuu Xasan noqon doonaa Xildhibaankii 276-aad ee kamid noqdo baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynihii hore Xasan Shiikh Maxamuud ayaa la filayaa inuu dhawaan dalka isaga baxo oo uu safar ku aado dibadda waxaana midaas ka hor la filayaa in baarlamaanka hortiisa lagu dhaariyo kana mid noqdo Baarlamaanka.

Waxaa xusid mudan inuu Xasan horey u sheegay inuusan meelna uga bixi doonin siyaasadda dalka balse uu soo qaadan doono xoogaa nasiino ah kadibna uu noqon doono xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Developed by Jago Desain