Posts

Madaxweynaha Dawlada Puntland oo amar ku bixiyay howlgallo deg deg ah oo ka billaabanaya magaalada Boosaaso


Madaxweynaha Dawlada Puntland,professor Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa amar ku bixiyay howlgallo deg deg ah oo ka billaabanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Howlgalladan waxaa lugu sheegay in ammaanka magaalada ganacsiga ah lugu xaqiijinayo,waxaana ka qayb-qaadanaya hay’adaha kala duwan ee amniga dowladda.

“Madaxweynaha Puntland wuxuu amar ku bixiyay howlgallo deg deg ah oo ka billaabanaya magaalada Boosaaso,”

sida waxaa lugu yiri qoraal ka soo baxay shirka golaha wasiirrada ee shalay ka dhacay Garoowe

Madaxweyne Cabdiweli, wuxuu ka dalbaday shacabka magaalada Boosaaso inay si dhow ula shaqeyeen hay’adaha ammaanka iyo ciidamada billaabaya howlgallada amniga lugu xaqiijinayo.

Wuxuu amarkan bixinaya madaxweyne Gaas xilli ay magaalada Boosaaso ka dhaceen weerarro iyo dilal qorsheysan oo lugu beegsaday saraakiil dowladda ka tirsan iyo dad kale oo bulshada wax ku ool u ahaa.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumsrka calbari
Developed by Jago Desain