Posts

SAWIRRO:-Dabkii Ka Kacay Suuqa Bakaaraha Oo Ugu Danbeyntii Lagu Guuleystay In La Damiyo!

SAWIRRO:-Dabkii Ka Kacay Suuqa Bakaaraha Oo Ugu Danbeyntii Lagu Guuleystay In La Damiyo!

Waxaa lagu guuleystay in la damiyo dabkii ka kacay saaka suuqa weyn ee Bakaaraha, kaasi oo geystay qasaare hantiyadeed.

Gaadiidka dabdamiska ee dowladda Hoose ee Xamar iyo kuwa ay leeyihin shirkado si gaar ah loo leeyahay ayaa ku guuleystay inay damiyaan dabkii saaka ka kacay suuqa bakaaraha.

Dabka ayaa waxa uu geystay qasaaro badan oo hantiyadeed, waxaana uu saameeyey qeybo badan oo ka mid ah Suuqa.

Dabka ayaa markii hore ka kacay Suuqa Maacuunta isaga oo markii danbe ku siifiday qeybo badan oo suuqa ka mid ah, sida qeybta bacadlaha, dahablaha iyo Qeybta ay Isticmaalaan Dadka Farsamada Gacanta wax ku soo saara, Dabka ayaana gebi ahaanba baabiyey Suuqa Maacuunta oo Baaxad Weyn ku fadhiya.

Haweeney kamida ah Ganacstadda ayaa sheegtay in xalay xilli danbe suuqa timid ayna la-kulantay Suuqa oo gubanayo balse aysan jirin cid markaas wax qaban kartay.

“Waxaan imid suuqa xilli danbe oo xalay ah runtii waxaan arkay wax aad looga xumaado hanta umadda Soomaaliyeed oo gubaneysa aniga xitaa waxaa iga soo gaaray saameyn badan” ayay tiri haweeneydan.

Muuse Macalin waxaa uu isna kamid yahay Ganacstada oo dabku qasaaraha u geystay, waxaana uu dhextaagan yahay meelo ganacsi oo gubtay balse la-damiyey waxaana uu lahaa Goob Ganacsi aan laga aqoon Xarumaha Ganacsi ee Gubtay.

“Meelahaan kama qaan goobteydii ganacsi waa gubatay, waxaana sidoo kale gubtay hanta badan oo meeshaan taalay” ayuu yiri Muuse.

Dabka ayaa socday muddo ku dhow 5 saacadood, waxaana markii dambe lagu guuleystay in la-damiyo Daminta Dabkaas, waxaa qeyb weyn ka qaatay dabdamista Maamulka Gobolka Banaadir iyo kuwo ay shirkaddo Ganacsi gaar u leeyihiin.

Intii uu danbku socday waxaa suuqa tegay Intooda badan Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir, kuwaas oo ka qeyb qaatay inay Dadka Dhibaatadu soo gaartay Gacansiiyaan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaana kamid ahaa Mas’uuliyiinta tegay goobta uu dabku ka kacay, waxaana uu Guddoomiyuhu sheegay in qasaaraha intaan la-eg dabku u geystay iyada oo ay xirmeen Jidadkii waaweynaa Suuqa, taasna ay dhibaato ku noqotay Gawaarida Dabdamiska inay meesha 
gubatay sahan ku soo gaaraan.

“Waxaan gacan kasii doonaa sidii ay ku soo kabsan lahaayeen ganacsatada Soomaaliyeed ee ku hanti beelay, waxaana ka shaqeyn doonaa sidii Suuqa Bakaaraha loogu sameyn lahaa Waddooyin waaweyn oo hadii dhibaato dhacdo gurmad loogu fidin karo” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.




Developed by Jago Desain