XOG : Musharax Cabdulqaadir Cosoble oo la saadaalinaayo inuu noqdo madaxwaynaha cusub ee Dawlada fedraalka soomaaliya

XOG : Musharax Cabdulqaadir Cosoble oo la saadaalinaayo inuu noqdo madaxwaynaha cusub ee Dawlada fedraalka soomaaliya


Musharax Cabdulqaadir Cosoble Cali oo ah Musharax u taagan markii labaad Xilka Madaxtinimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa la saadaalinaayaa inuu jagada hogaanka wadanka ku guulaysto.

Musharax cabdulqaadir Cosoble Cali oo doorashadii Madaxtinimo ee ku qabsoontay Caasimadda Muqdisho sanadkii 2012 ka galay kaalinta (4) Afaraad, ayaa xilligan la filaayaa inuu hanto Xilka Madaxtinimada dalka.

Musharax Cabdulqaadir Cosoble Cali oo ah ganacsade caan ah, kana mid ah Xildhibaannada cusub ee Golaha Shacabka ayaa haysta ilaa hada kalsoonida iyo codadka xildhibaano aaad u tiro badan, waxaana la saadaalinaayaa inuu nuqdo musharaxa xilka kala wareegi doona madaxwaynaha waqtigiisu dhamaaday Xasan shiikh maxmuud.

Xeeldheerayaasha arimaha doorashooyinka soomaaliya ayaa saadaaliya in doorashada Madaxtinimo ay gaari doonto wareegga seddexaad oo ah marinka ay ku kala hari doonaan siyaasiyiin daaha gadaashiisa shax siyaasadeed ku maleegaya, waxaase laba musharax oo aan kala dadaal yareyn , midkoodba kan kale uu ka ilaalinayaa in uu helo cod uu ku guuleysan karo wareegga koowaad ee doorashada.

waxyaabaha kor u qaadaya fursadaha Musharax Cabdulqaadir Cosoble ayaa waxaa ugu muhiimsan in mushraxiinta la tartamaysa ay yihiin kuwa horay loo tijaabiyey oo dalka madax horay ugu soo noqday.

sidoo kale Musharax Cabdulqaadir Cosoble waa ganacsade haysta hanti badan oo ololihiisa doorasho ku maarayn kara

Musharax Cabdulqaadir Cosoble oo ay madaxwanaha wakhtigiisu dhamaaday xasan sheekh maxamuud isku beel ka soo jeedaan ayaa waxaa fursadihiisa kor u qaadaya barnaamijkiisa siyaasadeed oo ah mid leh ifafaallo iyo yididiillo lagu gaari karo deganaansho siyaasadeed, ammaan iyo Horumar Xag dhaqaalle , caafimaad iyo horumar taabagal ah


barnaamajkaas oo lamid ah kii uu madaxwaynihii waqtigiisu dhamaaday ee xasan sheekh maxamuud soo bandhigay markii uu loonanka adag ugu jiray kursiga Madaxwaynaha Dalka  inkasta oo uu barnaamijkaas ku fashilmay fullintiisa  oo ballanqaaydiisii uusan ka soo bixin oo wali wax badani qabyo ka yihiin sida uu asaguba oloihiisa cinwaan uga dhigay 



SHABKADA BAARGAAL.NET
ARAGTIYO U DHUUN DALOOLA SIYAASSADA SOOMAALIYA
Baargaal@gmail.com

Developed by Jago Desain