Posts

XOG : Wararka ugu dambeeyey ololaha doorashada iyo halka la kala marayo


Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, ayaa waxaa ka socda ololihii ugu dambeeyey ee musharaxiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya ay ku raadsanayaan codadka xildhibaanada labada aqal.

Musharaxiinta ayaa iminka bilaabay bixinta Lacagaha laaluushka ah oo ayku kasbanayaan Xildhibaanada si ay uga helaan Codka maadaama hal maalin oo kaliya ay ka harsan tahay maalinta doorashada.

Musharaxiinta ugu badan ayaa lacagaha ku bixinaaya Hoteel SYL iyo Jazeera oo ay degan yihiin Xildhibaanada ugu badan, waxaana lasoo sheegayaa in lacagahaasi lagu kala qaadanaayo qaab kaash ah.

Musharaxiinta ayaa Xildhibaanada ku kala dilaaya lacag bixinta iyadoo lacagta ugu badan la sheegay inay bixinayaan Musharaxiinta kala ah Xasan Sheekh Maxamuud, Farmaajo Sheekh Shariif iyo Cumar C/rashiid oo kamid ah ragga ugu cadcad doorashada.

Musharaxiinta qaar ayaa la sheegay in Codadka ay ku raadinayaan si ka fog Laaluushka kuwaa oo ballanqaad dhanka Siyaasada ah u sameynaaya Xildhibaanada.

Lacagta la bixinayo ayaa ah laba qeyb, ayada oo qeyb ay tahay hormaris, qeybta labaadna la bixinayo marka musharaxa uu guuleysto.

Xildhibaanada aya ka kooban laba kooxood

Koox raacsan madaxweyne Xasan Sheekh oo illaa 180 lagu qiyaasay, inkasta oo codadkooda aysan hubneyn iyo Koox is-beddel doon ah oo raacsan wixii kasoo hara Xasan Sheekh.

Kuwa is-beddel doonka ah ayaa heshiiska ku galaya in haddii musharaxa siiyey lacagta lagu reebo wareegga koowaad ay codka siiyaan musharax kasta oo aan ahayn Xasan Sheekh.
Developed by Jago Desain