Posts

Xog : Wax Badan Ka Ogow Sababaha Ugu Weyn Ee Farmaajo Ku Kalifay Inuu Xasan Kheyre ka dhigo R/wasaaraha soomaaliya


Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Xasan Cali Kheyre ka dhigay ra’isulwasaraha cusub eeSoomaaliya.

Haddaba dadka siyaasadda falanqeeyo ayaa ka hadlayo sababaha ugu weyn ee uuFarmaajo u doortay shaqsigaan siyaasadda ku cusub.

Haddaba waxaan halkaan hoose idinkugu soo gudbineyna qodobo muhiim ah oo uu Farmaajo ninkaan ku doortay: 

1. Dadka aadka u yaqaan ninkaan ayaa kuu sheegayo inuu yahay shaqsi saamii gaarayo 2 Million ku leh shirkadda SOM Oil, waana shaqsi haysta hanti badan oo aan damceyn hantida qaranka waana sababta ugu weyn ee ka Farmaajo u doortay. 

2. Inta badan waa shaqsi lagu yaqaan inuu yahay mid dagan, Xalisoon lana qabsan karo siyaasadda, sidoo kalana wajihi karo xaaladda cakiran ee dalka maadamaa uu yahay shaqsi heysto heerarka kala duwan ee waxbarashada. 

3. Waa nin aad u yaqaan sida loola macaamilo Beesha caalamka maadama uusi weyn ula fal galay hey’adaha bixiyo dhaqaalaha. 

4. Midda ugu weyn ee uu u doortay waa inuu yahay shaqsi aan dadka ka hor imaan ama aan khilaafin maadaama ay badatay inay madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha is qabqabsadaan dowladihii hore. 

5. Qodobka ugu dambeeyo waa inuu Farmaajo ka dhex baxay loolanka adag oo ay Habargidir iyo Abgaal ugu jireen inay helaan xilkaan , sidaas ayuuna qof aan iyaga aheyn usoo magacaabay si aysan dhibaato kale u dhallan. 

 BAARGAAL.NET 
Isha wararka horumarka calbari
Developed by Jago Desain