Posts

Caluula: Israsaasayn Dhexmartay Ciidamadda Badda Puntland iyo Maleeshiyaadka Haysta Markabka Aris 13


Wararka ka imaanaya degmadda Caluula ee gobolka Gardafuu ee Puntland ayaa sheegaya in is rasaasayn koobani ay dhexmartay Ciidamadda Badda Puntland ee PMPF iyo maleeshiyaadka haysta markabka Aris 13 oo ay toddobaadkan qabsadeen. 

Guddoomiyaha Degmadda Caluula Cali shire Maxamuud oo la hadlay Warbaahinta Maxaliga ah ayaa sheegay in Dagaalku uu socday waqti kooban, uuna ka bilaawday, ka dib markii koox kale oo maleeshiyo ah oo watay Laanji yar ay isku dayeen inay u gudbaan Markabka, hase yeeshee ciidamadda Badda oo ku hareeraysanaa markabka ay ka hor joogsadeen inay gudbaan.

 Guddoomiyuhu ma uusan xusin inuu jiro dhaawac iyo dhimasho ka dhashay israaasaynta, hase yeeshee warar kale ayaa sheegay inuu jiro askari ku dhaawacmay dagaalkaasi.

 Gabagabadii, markabka Aris 13 oo ku gooshayay Calanka Sri Lanka, ayna maamusha shirkad fadhigeeedu yahay Imaaraadka Carabta waxaa maalintii isniintii ee Toddobaadkan qabsaday Maleeshiyaad sheegtay inay yihiin kalluumaysto dhibaatooyin ay u gaystay maraakiibta jiriifka ee ajnebiga ah.
Developed by Jago Desain