Posts

Hey’adda Culumadda Soomaaliyeed oo ku dhawaqday Afar maalin oo Soon ah, si Abaarta Alle uga dulqaado umaddiisa

Hey’adda Culumadda Soomaaliyeed oo ku dhawaqday Afar maalin oo Soon ah, si Abaarta Alle uga dulqaado umaddiisa
Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad, ayaa ku dhawaaqay Afar maalin oo Soon ah iyo hal maalin oo ah in umadda Soomaaliyeed ay oogan Salaad Roob doon ah, si umadda muslimiinta ee ay saameeysay Abaarta loogu duceeyo.

Hay’adda Culimada Soomaaliyeed, ayaa sheegtay in Maalinta Sabtida ah la Oogi doono Salaada Roob doonka ah, waxaana dhina kale ay sheegtay in maalinta Arbaca uu bilaaban doono Soonka Afarta maalin ah.
Sidoo Kale Sh Bashiir Axmed Salaad ayaa ku boorriyay umadda Soomaaliyeed in ay iscafiyaan ayna badiyaan Baryadda Alle si uu Eebe nooga dulqaado Abaarta iyo Colaadda ku soo noqnoqotay Soomaaliya.

Guud ahaan dalka Soomaaliya, waxaa ka jirta Abaar saameysay dadka iyo Duunyada, waxaana laba maalmood gudahooda Gaajo iyo Haraad u geeryooday 110 ruux deeganadda Bay iyo Bakool.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay in 60 kun oo dollar oo ay iska soo uruuriyeen maamullada degmooyinka iyo Deeq Raashin  oo iyana laga soo uruuriyay Ganacsatada Soomaaliyeed dhawaan lagu wareejin doono Guddiga Abaaraha si adeeggaan  loo gaarsiyo dadka Abaaruhu Saameeyeen.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay xaalad Musiibo Qaran todobaanka, si wax looga qabto arrimaha bani’aadannimo ee ka jira dhammaan goobaha ay abaaraha saameeyeen ee dalka Soomaaliya.

Tallaabadan ayuu madaxweynuhu sheegay inay muhiim u tahay in laga fogaado musiibo bani’aadannimo oo dalka ka dhacda.

Farmaajo ayaa dhinaca kale ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed iyo qurbo-joogta inay ka qeyb galaan dadaallada looga soo kabanayo abaaraha, si loo yareeyo saameynta abaaraha ee dalka.
Developed by Jago Desain