Posts

Madaxda Urur Goboleedka IGAD Oo Ku Shiraya Magaalada Nairobi.


Shirka Madaxda Urur Goboleedka (IGAD) ayaa maanta ka furmaya Magaalada Noirobi ee Caasimadda dalka Kenya, kaasi oo horey loogu balansanaa.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi (Farmaajo), Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Madax ka socota dalalka ku jira Urur Goboleedka (IGAD) iyo xubnaha Deeq bixiyeyaasha caalamka.

Mudada uu socdo shirkaasi waxaa diirada lagu saari doonaa Shirkan maanta ka furmaya Nairobi Arimaha Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalalka Urur Goboleedka (IGAD).

Dhanka kalena waxaa lagu wadaa in Shirkaan si weyn looga doodo Abaaraha ka jira Soomaaliya iyo sidoo kale Xaaladda Ammaan ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho ku joogga dalka Kenya ayaa Madaxda kulankaasi ka qeyb gali doonta u jeedi doono Khudbad uu kaga hadlaayo xaaladda Soomaaliya.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari


Developed by Jago Desain