Posts

Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay isku shaandheynta Golaha Wasiirada

Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay isku shaandheynta Golaha Wasiirada

Madaxweynaha dawlad goboleedka Puntland prof. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay isku shaandheynta uu doonaayo in uu ku sameeyo xukuumadiisa. 

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in isbadelka lagu sameynaayo xukumaadiisa uu dhici doono waqtiga ku haboon laakiin uusan hadda shaacin karin, islamarkaana ay bulshada kunool degaanada Puntland ay wada dareemi doonaan isbadelkaasi. 

 Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in wararka Suuqa ay isla dhexmarayaan Bulshada aysan waxba ka jirin, tasoo ah in uu ku fashilmay hoggaaminta. 

 Madaxweyne Gaas ayaa sidoo kale tilmaamay in dhawaan lala xisaabti doono golaha Wasiirada maamulka Puntland oo lagu eedeeyay waxqabad xumo. 

 SHABAKADA BAARGAAL.NET
 Isha wararka horumarka calbari 
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain