Maqaal : Dawlad Danyar iyo Dad Danyar Alla U maqan W/Q:- Siciid Mahad


Nolosha Dadka Alla Kala Soocay Sida uu u kala Socay Faraha bini’aadanka hadana ku kala noolaysiyay meela kala Duwan Quudi daruurigana u kala sahlay. 

 Dadka Qaar nolol Maalmeedkoda waa ay helaan iyaga oo aan ka marin wax rafaada ama wax dhibataa halka Dadka Qaarna ay u maraan Rafaad iyo Dhibaato kadibna ay macquul tahay inay helaan ama ay waayaan. 

 Dhanka noloasha waxaa jira dad Qaxootiya Hadana Barakaca kuwaas oo ku nool Kaamamka ku yaala Magaalooyin kala duwan oo Soomaliyaa markaad booqato Guryaha ay ku nolyihiin waxaa ku qabanaysaa naxdin maxaayeelay Maalintii Qoraxdaa haysa Habeenkina Fooraha Garaacaya. 

 Kala Duwanaanshaha labada nololeed waxaad ka fahmaysaa Dacarta iyo Macaanka ay leedahay Noloshu Markaad ku nooshahay Nolol Raaxa waxaad Hilmaantay Dhibaatada iyo Xanubka ay leedahay Nolosho. 

 Dhanka Cafimaadka hadaad Ka eegto waxaad arkaysa in Dhamaanta Dadka Qaxotiga ay Xanunadu ku soo laab laabtaan iyadoona aan wax garaba ama gacanna an lasiinayn. 

 Dadkan Wada Baaba,ay Dulqaadkana laga waayay Damacoodu Noqday Damac Siyaasadeed Danyartiyo Mantadaba Cidna aan Daryelayna Daa,inkii Na Umaa Dulqaad Ku Abuuray Dawlada iyo Shacab Haday Danayn Wayday Ayaa Gacan Qaban intaas oo dhibaata iyagoo ku jira Dadka Qaxootiga ama Dadka Danta yar waxaad moodaa in ay yihiin Dad ajnibaya waayo qofki somaliga ahaa waxa uu ugaysanaya Dhac,Boob, Dil iyo Kufsi qofna Majecla in Dadkiisa Falkaas Loogula kaco maxaa Lo jecelyahay in Dadkas Falkan Loogu Gaysto?. 

 Dadkan loo Yimaado dadka kale waxay u arkaan inaysan ahayn dad waxa ay ilaaween inay yihiin dad Somali ah sidaasna aan lo cawinaynay dadkan dabarta yar iyo qaxotiga. 

 Sababto ah dadkan soo qaxay deeganka ay yimaadeen maaha deegaan ay asal ahaan ka soo jeedaan waa sida ay aaminsanyihin dadka loo yimado oo deeganka looso qaxo Degan Qoraxdu way kulushahay Jawiguma waa Xunyahay Dadkuna Garab masiyaan waa dad wada tabaalaysan waana dad tabar yar Dawladda iyo shacabkuba wa ay ku fiirsadaan waxba uba Tarayaan 

waa Su,aal iswaydin mudane maxaa wax loogu qaban la,yahay Dadkan Tabarta yar iyo kuwa soo Qaxay oo qaxootiga ah Meeqa Shacab ah ayaa Dhibaataysan kuwaas oo aan haysan waxay helaan iyo waxay Quutaan kuwaas oo kunool kaamamka ay deganyihiin Dadka Qaxootiga. 

 Soomaaliya Wixii ka dambeeyay Burburkii waxaad modaa in qof walba uu Tiisa Kaliya uu Fiirsanaayo uuna Tu kale Dhag jalaq usinnayn. 

 Dadka Qaxootiga waxay Macin bideen waalalahood haysta Nolosha wanagsan balse waxay kala kulmen wax aan Wanaagsanayn oo naftooda Dhaawacaysay.

 Maraan Booqday Kaamka Boqolka Bush Oo ku yaala Magaaladda Bosaso ayaa Hooyo bataka Oo haysatay Sideed Caruura waxaan ka waraystay bal xaladoda waxayna igu Jawaabtay Sidatan 

” Anigu Dhulkaan Dagaan Nolo daro ugama soo cararin balse waxaan uga so Cararay colaado hareeyay iyo Dagaalo ka socdo Halkana waxaan u soo doontay Nabad iyo inaan Nolo wacan ka helo balse waxaan kala Kulmay in Dadka Deeganka aysan Kaalma nasiin ilaa in yar Maahee.  Gudoomiyayaasha Kaamamkuna maaha kuwa wax khayaama balse wixii loo soo dhiibo aya No kenaan Mudoyinkan dambana wax na soo gaara majirin. Hadaan Maqlo Deegaankaygii ayaa Nabad Noqday oo dagaalkii ayaa jogsadayna waaan jeclahay inaan Dib ugu laabto” 

Maaha in Dadkan Dawladdu ay wax Uwayday balse Dawladda ayaan ahayn ayada Mid Isku Filan oo aan Teeda Maahee Tun kale aan ku dari karin. 

 Dalku Hadu lahaan lahaa Dawladda Dadkeeda Daryeesha Dadkan Qaxootiga waxay ku noolaan lahaayen Nolol Wanaagsan inkasto Dadka Qaxootiga aan haysan Cunto ku Filan hadana waxay tala Saartaan ilaahay iyago ku raja wayn in maruu degaanadii ay ku nolaayeen oo ay ka soo Qaxeen Mar uun Nabad Noqdo Dagaaladdan ay ka Joogsadaan. 

 W/Q:- Siciid Mahad Maxamed 
Saidmahad10@gmail.com 
Bosaso,Puntland Somalia.

Afeef: Aragtida qoraalkan waa mid u gaar ah qoraagaku saxiixan

Developed by Jago Desain