Posts

Maraakiib dagaal oo soo gaaray Xeebaha Soomaaliya iyo Xaalad...


Maraakiibta dagaalka waddamada Spain,France iyo Italy ayaa soo gaaray xeebaha Somaliya waxaana ay doonayaan in ay billaabaan hawlgal ka dhan ah Burcadbadeedda Somaliya oo ay sheegeen in ay ka jiraan xeebaha Somaliya.

Maraakiibtan waxaa saaran diyaaradaha loo yaqaan Helicopters-ka,Hub iyo Ciidan ka socda waddamadaas, waxaana ay sheegayaan in ay hadda billaabayaan ka hortagga weerarrada burcad badeedda Somaliya.

Arintan waxaa ay timid kadib markii labo weerar ay ka dhaceen Biyaha Somaliya bil gudaheed,waxaana ay taas keentay in ay soo laabtaan Maraakiibta waddamada Yurub ee xeebaha Somaliya ka hawlgali jiray.

Midowga Yurub waxa ay horay u sheegeen in 3 sano aan xeebaha Somaliya ka dhicin afduub ,sidaas daraadeedna ay hoos u dhaceen ama laga adkaaday Burcad badeedda Somaliya.

Taliyaha Ciidamada Badda Midowga Yurub ee jooga xeebaha Somaliya Rafael Fernández-Pintado, ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in shaqaale dhawaan la siidaayay ay hadda la hadli karaan ehelladooda iyaga oo xor ah,waxaana uu sheegay in Askarta la socota ee Gabdhaha iyo wiilasha isugu jira uu uga mahad celinayo sida aan daalka lahayn ee ay uga shaqeynayaan in Badda nabad gelyo lagu maro.

Kiisaska Burcad badeeda Somalida ayaa dib uga soo cusboonaday deegaano ka tirsan Puntland, waxaana dhacay falal Burcad badeednimo ah oo ay ku dhaqaaqeen Koox Burcad Somali ah.

 BAARGAAL.NET
 Isha wararka horumarka calbari 
baargaal@gmail.com


Developed by Jago Desain