masuuliyiinta Degmada Caluula iyo gobolka Gardafuu oo sheegay inay la hadlaayaan kooxda haysata Markabka

masuuliyiinta Degmada Caluula iyo gobolka Gardafuu oo sheegay inay la hadlaayaan kooxda haysata Markabka

masuuliyiinta iyo maamulka Degmada Caluula ee gobolka Gardafuu ayaa sheegay inay diyaar garow iyo abaabul ugu jiraan sidii ay ugu tagi lahaayeen kooxda haysata markab laga leeyahay dalka Imaaraatka Carabta oo lagu haysto xeebta biye Cadde oo dhowr Mayl u jirta magaalada Caluula. 

Guddoomiyaha kumeel gaarka ah ee Degamda Caluula CaliShire Maxamuud oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay wareysi lasoo yeelan doonaan ragga markab saaran, si ay u ogaadaan sababta ay u afduubteen iyo waxa ay doonayaan. 

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay inay iskudayayaan sidii Markabkaas iyo shaqaalaha la socda u heli lahaayeen xoriyadooda, wuxuuna sheegay inay ka maamul ahaan marnaba raali ka ahayn in lagu xad gudbo maraakiibta xeebaheena ku safraya, iyagoo aan wax shido ah wadin. 

waxaaxusiddmudann in ragga haysta markabka ay yihiin kalluumaysato deegaanka ah oo dhawaan qeybtood maraakiib jariif ah aykalaa tageen laashashkoodii.
Developed by Jago Desain