Posts

Maxaad kala Socotaa Wrarkii ugu Danbeeyay ee ku dhawaaqista Golha Xukuumada?


Wararka goordhaw aan ka helnay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in xiligan ay socoto qaban qaabada magacaabista golaha Wasiirada Xukuumada Federaalka Soomaaliya.

Wariyaasha ayaa goordhaew looga yeeray Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya in ay yimaadaan si ay goob joog uga noqdaan magacaabista golaha Wasiirada oo la filayo in R/Wasaaraha uu ku dhawaaqo saacadaha soo aadan.

Ra’isul Wasaaraha xukuumada Soomaaliyaayaa soo gabo gabeeyay wadatashiyadii ku aadaneed magacaabista golaha Wasiirada, waxaana inta badan la xaliyay culeesyo ka jiray magacaabista golaha Wasiirada.

Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa xiligan ah mid mashquul badan, waxaana ku sugan siyaasiyiin iyo Xildhibaano ana wali ka rajo dhigin in ay kamid noqdaan Xukuumada cusuyb,inkastoo lasoo sheegayo in liiska golaha Wasiirada uu diyaarsan yahay.

Waxaa suurto gal ah in magacaabista golaha Wasiirada ay gaarto ilaa galinka dambe ee maanta, waxaana wararka heleyno sheegayaan in kaliya harsan tahayshaacinta magacyada golaha Wasiirada.

Wali si rasmi ah looma oga tirada ay noqon doonaan Wasiirada la filayo in la magacaabo, waxaana wararka soo baxaya sheegayaan in Wasiirada noqon doonaan 25 wasiire ama 30-wasiir, waxaa sidoo kalesi rasmi ah aan loo ogeyn shaqsiyaadka kasoo dhax muuqan doono Xukuumada cusub ee Soomaaliya.
BAARGAALL.NET
Developed by Jago Desain