Posts

nin Caawa Fiidkii Lagu Dilay magaalada Boosaaso

nin Caawa Fiidkii Lagu Dilay magaalada Boosaaso

Caawo Fiidkii intii u dhaxaysay salaada Maqribka iyo Cishaha ayaa nin ku hubaysan Baastoolad uu suuqa wayn ee Boosaaso dhexdiisa ku dilay nin Ganacsade ahaa, xilli uu ku cawaynayay meel Mehrad ah. 

 Marxuumka la dilay ayaa ka mid ahaa Ganacsatada yaryarka ah, waxaana uu haystay Kabar lagu iibiyo Alaabo kala duwan oo uu ku lahaa Suuqa Boosaaso.

 Kooxda alShabaab ayaa dilal qorshaysan ka geystay Boosaaso, waxaana dawlada Puntland ay Xukuntay todobada qof oo ay gacanta ku dhigtay, kuwaas oo dawladu ay sheegtay inay yihiin Kooxaha dilalka ka geysta Boosaaso. 

 SHABAKADA BAARGAAL.NET
 Isha wararka horumarka calbari
Developed by Jago Desain