Sawiro : Qoysaska Shaqaalaha markabka oo Kooxda haysata markabka u diray codsi inay sii daayaan wiilashooda

Sawiro : Qoysaska Shaqaalaha markabka oo Kooxda haysata markabka u diray codsi inay sii daayaan wiilashooda
Hooyo Hema Adhikari, dhexda taagan  oo daawanaysa  Namalee Makalandawa,oo la dhalatay mid kamid ah shaqaalaha  markabka la haysto oo fadhida, oo laptop ka muujinaysa sawir arooska  Premnath Ruwan Sampath ayagoo joogo deegaanka  Maharagama, oo ku taalla daafaha Colombo, Sri Lanka, Wednesday, March 15, 2017 
Qoysaska sideed shaqaale Sri Lanka u dhashay oo lagu qabtay markab nooca shidaalka qaada ah oo ay koox kallumaysato sheegatay ay ku haystaan agagaarka degmada Caluula ee caasimada Gobolka Gardafuu ee Maamulka Puntland ayaa codsi u diray kooxda haysata inay sii daayaan wiilashooda ayagoo badqaba oo aysan wax dhibaato ah u gaysan , halka kooxda haysata markabka ay dalbadeen lacag madax furasho ah.

Hawlgalka Midowga Yurub ee ladagaalanka burcad-badeednimada ayaa sheegay goor dambe Talaadadii in dablay hubaysan oo looga shakasinyahay inay yihiin burcad badeed soomaalli ah ay qabsadeen markabka ayna  dalbadeen lacag madax furasho ah oo lagu sii daayo markabka.

Namali Makalandawa, oo ah gabar la dhalatay sarkaal sare oo kamid ah shaqaalaha markabka nooca shidaalka qaada oo layiraahdo Premnath Ruwan Sampath, ayaa sheegtay in qoyskeedu ay isku dayeen in ay  xiriir la sameeyaan xafiiska shirkadda maraakiibta ee ku sugan Dubai balse waxay sheegtay in aan laga jawaabin taleefankoodii
"waxaa qalbigeena ku soo kordhaaya cabsi ,waayo waxaan u cabsanaynaa nolosha wiilasheena  " ayay tiri  Makalandawa iyadoo oynaysa ka dib kulan ay la yeesheen saraakiisha wasaarada arrimaha dibada Sri Lanka. 
Waxay sheegtay in saraakiisha iyo qoysaskooda ay la kulmaayaan wakiilka maraakiibta maanta khamiista 

Qoysasku ma haystaan qaab ay kula xiriiraan shaqaalahooda maxaabiista ku ah markabka ayay tiri Makalandawa.
"Fadlan iyaga sii daaya Waxaan idinku baaqayaa inaad sii daysaan sababtoo ah waa shaqaale, waxaana kamid ah aabayaal , caruur iyo niman xaas ah waxay badda u aadeen si ay u helaan lacag ay ku biilaan qoysas kooda " ayay tiri.
kooxda qafaalatay markabka ayaa sheegay inay ahaayen Kalluumaysato, badii ay ka xamaalan jireen lagu soo duulay oo lagu hayo xaalufin ba,an, isla markaana la burburiyay qalabkoodii, loona geystay dhibaato.

Si kastaba ha ahate, Markabka ayaa Kooxda Afduubatay waxay ay ku haystaan Xeebaha degmada Caluula ee Gobolka Gardafuu. 

Waxaa xusid mudan in Howl-gallada afduubka maraakiibta ee xeebaha Somalia ay ahaayeen kuwa sii yaraaday saddexdii sano ee la soo dhaafay

SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Calbari
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain