SAWIRO : Xaflad sagootin ah oo loo qabtay Ardayda Sanadkan ka qalin jabinaysa Dugsiga Sare ee Maxamed Xuseen ee Degmada Baargaal

SAWIRO : Xaflad sagootin ah oo loo qabtay Ardayda Sanadkan ka qalin jabinaysa Dugsiga Sare ee Maxamed Xuseen ee Degmada Baargaal

Baargaal:- Xaflad si heer sare ay u soo agaasimeen Maamulka,Macalimiinta iyo Ardayda Dugsiga Sare ee Maxamed xuseen ee Degmada Baargaal ayaa waxaa lagu qabtay xarunta Dugsigaasi,waxaana ka soo qeybgalay Gudoomiyaha Degmada Baargaal Abuukar axmed yuusuf Gudoonka Waxbarashada Degmada Maamulka Macalimiinta iyo Ardayda Iskuulka, culamaaudiin, ganacsato odayaal , waxgarad, aqoonyahano, ururada dhalinyarada iyo arimaha bulshada ee degmada ka hawlgala iyo Marti sharaf kale oo badan.

Ujeedka loo qabtay Xafladaan ayaa waxaa ay aheyd sogootin loo sameenayo Ardayda sanadkan dhamaysanaysa waxbarashda dugsiga Sare oo tiradooda gaarayso 20 arday oo ah Dufcadii 2-aad ee ka qalinjabisa Dugsiga sare ee Maxamed Xuseen Ee Degmada Baargaal.

Munaasabadan ayaa waxaa daahfuray Gudoomiyaha Degmada Baargaal Abuuar axmed yuusuf oo dhamaan Ardayda sanadkan dhamaynaysa waxbarashada Dugsiga sare ee sugaya imtixaankii Shahaadiga ah inay imtixaanaadka ka keenaan guulo lataaban karo sidii horayba loogu yaqiinay ardayda Degmada Baargaal.

Maamulaha Dugsiga Sare ee Maxamed Xuseen ee Degmada Baargaal Maxamuud muumin aadan (Macalin Muumin) oo Xaflada ka hadlay ayaa u mahadceliyay dhamaan Marti sharaftii kasoo qaybgashay xaflada asagoo Hambalyo u diray Ardada iskuulka ka qalinjabinaysa wuxuuna kula dardaamay in imtixaanka shahaadiga ay ka keensadaan darajooyinka waalidkood iyo macalimiintii mudada wax soo baraysay ay ku farxaan.

Ardayda sanadka Ka qalin jabinaysay ayaa xaflada kaga dhawaaqay inay ku deeqeen 5 booyadood oo biyo dhaan ah oo ay uga qayb qaadanaayaan gurmadka abaaraha talaabadaas oo ay aad u bogaadiyeen dhamaan marti sharaftii ka soo qayb gashay xaflada qalin jabinta
Qaar kamid ah ardayda qalin jabinyasa sanadka ayaa xaflada ku soo bandhigay Barnaamajyo ka tarjumaya muhimada ay waxbarasshadu leedahay iyo qiimaha macalinka waxayna halkaa kasoo jeediyeen gabayo , buraanburo iyo kalimado ay ku sagootinayaan Dugsiga Macalimiinta iyo Maamulka oo ay ku soo diyaariyeen luqado kala duwan sida English, Carabi iyo iyo luqadeena hooyo ee soomaaliga ah .

Gabagabadii Munaasabada ardayda waxa ay shahaado sharaf gudoonsiiyeen Maamulkii iyo Macalimiintii mudada u taagnaa sidii ay usoo gaari lahaayeen heerka ay maanta taaganyihiin


SHABAKADA BAARGAAL.NET 
isha wararka Horumarka Calbari
baargaal@gmail.com





















Developed by Jago Desain