Posts

War deg deg ah : Madaafiic lagu riday xarunta madaxtooyada Villa Somalia


Waxaa goor dhaw tiro hoobiyaal ah lagu garaacay agagaarka Xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia , gaar ahaan dhinaca xiga xaafadda 15 May oo Madaxtooyada gadaasheeda ah.

Abbaarihii 12.40 oo ah xiliga Muqdisho ayaa la maqlayay Madaafiic culus oo la ogayn khasaaraha ay geysteen.

Goobjoogayaal ka tirsan Shacabka magaalada Muqdisho ayaa sheegay in il guud ahaan dadka ku nool agagaarkaas ay la kulmeen naxdin iyo kala carar baahsan, kuwaasoo ay naftooda ku badbaadinayaan.

Waxaa halkaas isla markiiba gaarey Ciidamada Amaanka ee Dawladda Fedaraalka ah, kuwaasoo wada baaritaano ay ku ogaanayaan Khasaaraha ay geysteen iyo halka laga soo tuuray.

Waxaa illaa hadda aan la ogeyn Xaafadaha iyo halka laga soo tuurey ee ka mid ah magaalada Muqdisho, waana markii ugu horeysey ee Madaafiic lala beegsado xarunta madaxtooyada.
Developed by Jago Desain